HOGAANKA CIIDAMADDA S/LAND IYO ITOOBIYA OO ADDIS KU KULMAY.
(SAWIRKA)-TALIYEYAASHA CIIDAMADDA SOMALILAND IYO ITOOBIYA.
(ADDIS ABABA)-Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii baadilka ahaay una dhexeeyey dalka Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland horaantii bishan Janaayo-2024-ka ayaa waxaa soo kordhaayey cambaareyn xoogan oo ku wajahan Heshiiskaasi waxaane heshiiskaasi si cad u diiday Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa eyna ka soo saartay qoraal cad oo muujinaayo halka ey DFS ka taagan Heshiiska baadilka ah,hadaba maamulka Soomaaliland ee uu hogaamiyo dagaal Ooge Muuse Biixi Cabdi ayaa bilaabay inuu Addis Ababa u diro qaar ka mida masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa sii dhcaayo waxaane ka mid ah ninka Muuse Biixi ugu magacaaban Taliyaha Guud ee ciidamadda S/land S/G.Nuux Ismaaciil Taani oo hadda booqasho ku joogo caasimadda Itoobiya ee Addis ababa. Taliyaha Guud ee ciidamadda qalabka sida ee dalka Itoobiya Marshal Birhanu Jula iyo Taliyaha Guud ee ciidamadda Maamulka Soomaliland S/G.Taani ayaa waxa ey ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac ee ciidamadda iyo sii xoojinta iskaashiga mileteri ee Itoobiya iyo S/land.
ISHA/BBC.