KUMUU AHAAY TALIYE SUUL-NUUGE?
(SAWIRKA)TALIYE SUUL-NUUGE.
(HIIRAAN)-Tan iyo markii uu dalka Soomaaliya uu ka bilawday dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab waxaan arkaynay Shuhado fara badan oo ku geeriyootay dagaalka dalka loog ciribtiraay kooxda Alshabaab,saraakisha sida aadka ah loogu xusuusto dagaalka Alshabaab kuna baxay gacanta Alshabaab ayaa waxaa ka mid ah AUN-Xasan Tuure,AUN-Shaah Ma Cabe iyo Suul-Nuuge oo shalay ku geeriyooday dagaal adag oo lala galay kooxda Alshabaab kana dhacay Koonfurta Gobolka Mudug ee maamulka G/Mudg. Hadaba laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa waxa ey wareystay wiil la dhashay AUN-Suuul-Nuuge waxa uuna sheegay in walaalkiisa ciidamadda ugu biiray dhibaato ka soo gaartay kooxda Alshabaab oo baad joogta ah ku haysay baabuutiisa u kala safarta Gobolka Hiiraan iyo goboladda dalka intiisa kale. Taliye Suul-Nuuge ayaa maanta Aas qaran loogu sameeyey Magalaadda Muqdisho ee caasimadda ah.
ISHA/BBC.