WAR MURTIYEED KA SOO BAXAY CULIMADA NAIROBI.

(SAWIRKA)-CULIMADA KU KULANTA NAIROBI.

(NAIROBI)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in halkaasi shalay lagu soo gabagabeeyey shir gaar ah ey isugu yimaadeen Urur diimeedyada kala ah AL-Ictisaam iyo AL-Itixaad,shirkaan ayaa waxaa cinwaan looga dhigay “KAALINTA CULIMADA EE KU AADAN HESHIISIINTA SOOMAALIDA”,shirkaan ayaa furmay 10/10/23-ka waxa uuna soo dhammaaday 12/10/23-ka,gabagadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-Murtiyeed waxaane War-murtiyeedkaasi akhriyey Dr.Sheekh Faysal Maxamed Cali,Qodobadii laga soo saaray shirka ayaa kala ah:

(1)-In lama huraan iyo lagama maarmaan u tahay xal u helida dhibaatooyinka faraha badan ey la nool yihiin ummadda Soomaaliyeed u hogaansanka Axkaamta Shareecada Islaamka.

(2)-In loo baahan yahay dardar gelinta kaalinta culimada ee ku aadan heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyagoo kaashanaayo qeybaha kala duwan ee bulshada sida Xukuumadaha,Maamuladda,Madax dhaqameedyada,Aqoonyahanka iyo Ganacsatada.

(3)-In la sameeyo Cilmi baaris diineed oo ku aadan Masalooyinka ey ka taagan yihiin ismaan dhaafka iyo in daah ka feydid lagu sameeyo Masalooyinka Diiniga ah ee la garab maray iyo in la cadeeyo eray bixinta weeraha shareecadda ee loo adeegsaday si taban oo aan toosneyn taas oo la dhigaayo meel aaney shareecadu dhigin sida”Jihaad,Shahiid,Murtad iyo ku Cibaadeyso”IWM.

(4)-In la kobciyo dood wadaaga toosan iyo in la xoojiyo wada noolaashaha bulshada.

(5)-In la joojiyo lagana hortago isku dirka faafinta dicaayadaha iyo wararka aan jirin ee lagu faafiyo baraha bulshada ee hurinaayo isnacaybka iyo colaada bulshada.

(6)-Hadaba si loo hirgeliyo dhammaan qodobadaas la soo sheegay waxay go’aamiyeen culimadda in la aasaaso Hayad Soomaaliyeed oo isu taagto musaalaxadda iyo heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed,hayadaan oo gundhig u noqon doonto ka hortaga iyo xalinta colaadaha iyo isu soo jiidka bulshada walaalaha ah arrinkaaso loo xilsaarayo gudi farsamo oo soo diyaariyo.

DARDAARAN:

(1)-In ilaaheey laga baqo loona toobad keeno lana xusuusnaado iney nasugayaan Qabri,Qiyaamo,Janno iyo Naar oo aaney waxba na tari doonin waxyaabaha eynu maanta isku colaadineyno iskuna dileyno.

(2)-In la ilaaliyo xuquuqda walaalnimada Islaamka,qaraabanimada iyo derisnimda.

(3)-In lagu baraarugo xurmada dhiiga muslimka iyo sida uu xaraanta u yahay iyo inaan la fududeysan laguna banaysan karin magac kasta iyo muuqaal kasta oo aaney shareecadu banaynin sida: (A)-Magac diineed lagu banaysanaayo dhiiga Ummadda iyo hantidooda. (B)-Qabiilooyinka isu daliishanaayo Aayado iyo Axaadiis ey si khaldan u fahmeen. (C)-Xuduud dhuleedka la isku laaynayo. (D)-Qabyaaladda iyo Qoqobka.

(4)-In siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kuraasta ku loolamaayo Mucaarad iyo Muxaafadba ey ka waantoobaan wax kasta oo keeni kara dhiig daata,hanti burburta iyo barakac,wixii ey xalin kari waayaane ey la kaashadaan waxgaradka bulshada islamarkaasne ogadaan iney masuul ka yihiin dhibka ka dhaca arrinkaas aduun iyo aakhiraba. (5)-In lagu dhammeeyo is khilaafka iyo ismaan dhaafka kastaba wada hadal,isafgarad iyo isu tanaasul ey shareecadu saldhig u tahay. (6)-Culimadu waxay si buuxda u taageereysaa qadiyadda walaalaha reer Falastiin ee uu ku socdo gumaadka,Xasuuqa,Go’doominta iyo barakicinta waxayna ugu baaqeysaa dhammaan Madaxda iyo shucuubta Muslimiinta ah iney si buuxda isu garab tagaan walaalahooda dulman. Culimadda gar wadeenka ka ahayd shirkaan ka dhacay Nairobi ayaa waxaa ugu caansanaay Sh.Maxamed Cabdi “Umal”,Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali-Wajiis,shirkaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti uu dalka ka socdo dagaal looga soo horjeedo kooxda Alshabaab,gabagabadii shirka ayaa lagu taageeray dadka reer Falastiin oo dagaal culus hadda kala dhexeeyo Israa’iil.

ISHA/SUUQ-BACAAD MEDIA.

Previous
Previous

DAMACA ITOOBIYA MA U SOCON DOONAA?

Next
Next

NEGEEY CALI KHALIIF MIYUU BAXSADAY MASE…?