WAKIILKA XOGAYAHA GUUD QM EE SOOMAALIYA OO LA KUANTAY…
(SAWIRKA)-CATRIONA LAING.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM) ayaa sheegaayo in Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramda Midoobe Antonio Guterres ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa maanta oo Jimca ah(17/11/23)-ka waxa ey kulamo gooni gooni ah la yeelatay qaar ka mid ah Wakiiladda Beesha Caalamka ee taageero dalka Soomaaliya,masuuliyiinta ey Catriona la kulantay maanta ayaa waxaa ka mid ah Safiiradda dalalka Jarmalka Amb.Sebastian Groth iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Vebjorn Dysvik. Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Catriona ayaa masuuliyiintii ey la kulantay waxa ey kala hadashay dhinaca horumarka amniga Soomaaliya iyo in la doonaayo in ciidamadda Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka Soomaaliya,dhinaca kale,Catriona ayaa sheegtay in Wadamada Beesha Caalamka laga doonaayo iney taageeraan dalka Soomaaliya loogana baahan yahay in juhdi geliyaan sidii loo dhisi lahaay Nabada dalka Soomaaliya.
ISHA/SBM.
MUQDISHO/SOMALIA.