DOORASHADA PUNTLAND MA DHICI DOONTAA?
(SAWIRKA)-GUDIGA PEC.
(GARAWE)-Wararka ka imaanayo caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Gudiga doorashooyinka Puntlanda ee PEC uu maanta shir Jaraa’id ku qabtay Garawe waxa uuna soo saaray go’aano cusub kuna saabsan doorashada Dawlad Goboleedka Puntland,waxa uuna muran xoogan oo dhinaca doorashada ah uu ka dhex taagan yahay hogaanka Punland(Deni) iyo siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland. Mucaaradka Puntland ayaa horay waxa ey u soo saareen qoraal ey kaga hadlayaan doorashada Puntland waxa ey qoraalkaasi ku sheegeen in iyaga dhinacood bilaabi doonaan hawsha doorashada Puntland 15/12/23-ka halka Gudiga doorashooyinka ey Dawlad Goboleedka Puntlanda maanta sheegeen iney hawshooda bilaabi doonaan 16/12/23-ka,hadaba sidee ayey wax uga dhici doonaan Puntland?
ISHA/CAASIMADA.