MAXKAMADA DARAJADA KOOBAAD EE CIIDAMADA QALABKA SIDA OO..

(SAWIRKA)MAXKAMADA DARAJADA KOOBAAD EE CQS.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii la aas aasay Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya gaar ahaan Maxkamadda Darajada koobaad ee uu hogaamiyo G/sare.Xasan Cali Shuute waxa ey dalka u qabatay hawl muuqata oo ey cid walba oo Soomaali ah jecelna nabada ka marqaati kacayso,ma aha Maxkamad u baahan in qoraal uun wax looga sheego ee waa Maxkamad mudan in lagu sharfo waxqabadkeeda loo wada riyaaqay. Maxkamadda Darajada koobaad ayaa maanta oo Sabti ah waxa ey mar kale u fariisatay qaadida dacwad ka dhan ah 10-qofood oo loo haysto iney ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab kuwaso qaar iyaga ka mida la sheegay iney tababar ku soo qaateen Buuraha GalGala ee Gobolka Bari maamulka Puntland. Qaar ka mida rag la horkeenay Maxkamada ayaa waxa ey ka qeybgaleen dagaalo ka kala dhacay degaanadda Ceel la helay,Sinadhaqo,Bacaad-Weyn oo dhammaan ka wada tirsan maamulka G/mudug iyo arbushaad ey ka gaysteen caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

LIBERIYA OO DOORATAY MADAXWEYNE CUSUB..

Next
Next

DOORASHADA PUNTLAND MA DHICI DOONTAA?