WAFDIGII ITOOBIYA OO GAARAY ANKARA.

(SAWIRKA)-WAFDIYADA ITOOBIYA IYO TURKIGA.

(ANKARA)-War deg deg ah oo iminka inaga soo gaaray dalka Turkiga caasimadiisa Ankara ayaa sheegaayo in wafdi sare kana socdo Dawladda Fedraalka Itoobiya uuna hogaaminaayo Reysal Wasaaraha dalkaasi Itobiya Abiy Axmed iney gaareen dalka Turkiga. Wadiga Itoobiya ka socdo ayaa waxaa Qasriga Madaxtooyadda ee magaaladda Ankara ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan iyo masuuliyiin kale oo Turkiyiin ah. Magaaladda Ankara ayaa horay waxa halkaasi ugu sugnaay Wafdi heer sare ah uu hogaaminaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud,ujeedka ey Turkiga u yimaadeen labadaan wafdi ee Soomaaliya iyi Itoobiya ayaa ah in halkaasi uu ka furmo wareegii seddexaad ee shirka labada dhinac u dhexeeyo,kaaso laba jeer oo hore ku soo dhammaadaty Fashal iyo kala tag,balse kulankaan seddexaad ayaa la filan karaa in wax isbedel ah uu ku yimaado mawqifyadii la kala taagnaa labadii jeer ee hore.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO GAARAY HESHIIS.

Next
Next

DFS OO WAR KA SOO SAARTAY DAGAALKII MAANTA.