SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO GAARAY HESHIIS.

(SAWIRKA)-SHIRKII ANKARA.

(ANKARA)-Shirkii ka socday caaasimadda dalka Turkiga ee Ankara una dhexeeyey dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa laga soo saaray War Murtiyeed sidaan u qornaay”BAAQA ANKARA. Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaoo ey fududeysay Jamhuuriyadda Turkiga. Md.Reccep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga ayaa qaabilay Md.Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Md.Abiy Axmed Reysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Federaalka Itoobiya 11/12/2024-ka magaaladda Ankara. Kulanka ayaa u qabsoomay jawi wanaagsan oo suurtageliyey dood hufan oo wax ku ool ah. Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay dib u xaqiijiyeen Ixtiraamka iyo sida ey uga go’an tahay midba midka kale Madax Banaanidiisa,Midnimada.Madax-Banaanida iyo Wadajirka Dhuleed iyo sidoo kale mabaadi’ida ku cad shuruucda caalamiga ah,Axdiga Qaramada Midoobe iyo xeerka Dastuuriga ah ee Midawga Afrika. Waxa ey ku heshiiyeen,si saaxibtinimo iyo Ixtiraam ku dhisan,in la iska dhaafo lagana tago khilaafaadka iyo arrimaha la isku haysto loona amba qaado qaab iskaashi si loo gaaro barwaaqo la wadaago. Soomaaliya waxay aqoonsan tahay naf hurnimada askarta Itoobiya ee ka tirsan hawlgalka Midawga Afrika. Waxay garwaaqsadeen faa’iidooyinka kala duwan ee ka imaan kara Itoobiya oo la hubo iney gelayso ama ka soo degto badda,iyadoo la ixtiraamaayo Midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa sidoo kale ku heshiiyeen iney si dhaw uga wada shaqeeyaan dhammaystirka qabaqaabadda Ganacsi ee faa’iidada u eh labada dhinac iyada oo loo maraayo heshiisyo laba geesood ah oo ey ku jiraan Qandaraasyo,kiro iyo habab la mid ah kuwaaso u ogolaanaya Jamhuuriadda Dimuqaraadiga Federaalka Itoobiya iney ku naalooto marin la isku haleyn karo,amaan ah oo waara oo laga galo badda hoosteeda,awooda Madax Banaanidda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay go’aansadeen iney bilaabaan wada xaajoodyo Farsamo si niyad-sami ah ujeedooyinkaas ugu dambeyn dhammaadka Feberaayo 2025-ka iyadoo uu fududeynaayo Turkiga,in la soo gabagabeeyo lana saxiixo afar bilood gudahood. Waxay soo dhaweeyeen kaalmada Turkiga ee fulinta ballanqaadyadan,waxayna ballan qaadeen iney ku xallin doonaan wixii khilaafaad ah ee ku saabsan fasiraadooda iyo codsigooda wada hadal iyo hab nabadeed iyadoo Turkigu taageeraayo haddii loo baahdo. Waxayna u mahad celiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Md.Reccep Tayyipp Erdogan hindisahan iyo sida ey uga go’an tahay geedi socodka.

TARJUMAY/SB-MEDIA.

Previous
Previous

SHIR JARAA’ID EY WADA QABTEEN SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.

Next
Next

WAFDIGII ITOOBIYA OO GAARAY ANKARA.