SHIR JARAA’ID EY WADA QABTEEN SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-MADAXDA TURKIGA,SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.

(ANKARA)-Madaxweynaha dalka Turkiga Md.Reccep Tayyip Erdogan ayaa goor dambe oo Arbacada maanta ah ku dhawaaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya ey gaareen heshiis lagu xallinaayo colaadda u dhexeeyso labada dal si wada hadalo nabadeeda ah ey dhexdhexaadineyso dawladda Turkiga. “Waxaan qaadnay tallaabadii ugu horeysay ee bilaw cusub oo ku saleysan Nabadda,Iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya”ayuu Madaxweyne Erdogan ka sheegay shir jaraa’id oo ey si wadajir ah u qabteen dhigiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Reysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Rajada aasaasiga ah ee Ankara ayaa ah in la helo Nabad iyo Xasilooni geeska Afrika ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu raaciyey hadalkiisa. Turkiga waxa uu rumeysan yahay in heshiis wadajir ah ee ey ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Itoobiya uu aasaas adag u noqon doono iskaashi iyo Barwaaqo ku dhisan is Ixtiraam,ayuu yiri Erdogan.

ISHA-AA.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

SAFIIRKA UK EE SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAA…

Next
Next

SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO GAARAY HESHIIS.