SAFIIRKA UK EE SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAA…

(SAWIRKA)-SAFIIRKA UK EE SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno magaaladda Muqdisho ee ah caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Safiirka Dawladda Boqortooyadda Ingiriiska(UK) u fadhiya Soomaaliya Mr.Micheal Nithavrainakis uu soo saaray Qoraal uu soo dhigay bartiisa(x),Qoraalka ayuu Safiir Micheal waxa uu diiradda ku saaray dhacdadii shalay ka dhacday degaanka Raaskambooni halkaaso ey ku dagaalameen Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ey halkaasi geysay iyo kuwa maamuka Jubaland.Qoraalka ayaa waxa uu u qornaay Sidan”Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa si xoogan waxa ey u cambaareyneysaa shaqaaqadii shalay ka dhacday degaanka Raaskambooni iyo khasaaraha nafeed ee aan la aqbali karin. Waa wax aad looga xumaado in kala aragti duwanaanshiyaha Siyaasadeed uu ka dhashay khilaaf xoogan iyo in la iska indha tiro wax ka qabashada colaada. Dhacdooyinka laga baaqsan karo ayaa khalkhal gelisay xasiloonidda Jubaland,waxayna wax u dhimeysa Amniga Soomaaliya,waxaane laga yaabaa iney ka faa’iideystaan kooxda AL-shabaab. Waxaan si gaar ah uga xunahay saameynta ey ku yeelatay dadka rayidka ah ey noloshooda khalkhal gelisay Jarista shabakadaha Isgaarsiintaiyo xanibaada dhaqdhaqaaqa. Dawladda Boqortooyada Ingiriiska,waxa ey codsaneysaa xasilooni waxayna ku celineysaa dhammaan dhinacyadda iney dib uga qeybgalaan wada hadaladda wax ku oolka ah si loo aas-aaso dariiqa dib u heshiisiinta”. Qoraalkan maanta ka soo baxay Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa ah mid si cad isaga indha tiraayo waxyaabo waaqiciga ah lana soo arkay welina taagan una soo dhexeeyey Hogaamiyaha Jubaland iyo dhammaan Dawladihii dalka soo maray uuna ugu horeeyo uguna dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO SOO DHAWEEYEY BAAQII ANKARA.

Next
Next

SHIR JARAA’ID EY WADA QABTEEN SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.