DFS OO WAR KA SOO SAARTAY DAGAALKII MAANTA.

(SAWIRKA)-CIIDAMAO SOOMALIYEED.

(MUQDISHO)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw waxa ey soo saartay Qoraal ey kaga hadaashay wixii ka dhacay degaanka Raaskaambooni ee Gobolka Jubada Hoose, saakay ayaa halkaasi waxa uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamadda DFS iyo kuwa maamulka Jubaland. Qoraalka ayaa waxaa soo saartay Wasaaradda G/dhiga ee XFS, waxaane lagu sheegay in ciidamadda Axmed Madoobe ey soo qaadeen weerarka isla markaasne lagu duulay Ciidamadda DFS oo loogu talagalay iney buuxiyaan goobihii ey baneeyeen Ciidamaddii ka socday dalka Kenya kana tirsanaay ATMIS, DFS ayaa sheegtay iney amartay in ciidamadeeda ey halkaasi dib uga baxaan, dawladu eedeyn culus u soo jeedisay Axmed Madoobe ka dib weerarkii dhacay maanta kaaso sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

ISHA-SB-MEDIA.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA.

Previous
Previous

WAFDIGII ITOOBIYA OO GAARAY ANKARA.

Next
Next

YAA KU SOO BIXI DOONO TARTANKA JIMCAHA?