WAA MAXAY SABABTA UU RW-KHAYRE UGA BAXAY MUCAARADKA?

(SAWIRKA)-SAAXIBADII SHALAY.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15/5/2022-kii waxaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka bilawday hadal haynta ah in MW-Xasan Sheekh saaxibadiisii shalay ey iskula jireen dalladii loogu magac daray”Midawga Musharixiinta”iney yihiin Mucaaradkiisa koobaad rabaane iney lugaha qabtaan saaxibkood la soo halgamay waqtigii adkaay. In mucaarad dawladda lagu noqdo waa mid u baahan in la sugo sida ey dawladaasi u shaqeyso ulana jaan qaado siyaasadda dalka gudihiisa iyo dibadiisa basle taasi ma eysan dhicin oo waxaa dawladda Federaalka Soomaaliyeed la Mucaaraday ayadoo aan weli socod baran cagaheeda dhulka aan dhigin,waa kuwee kuwa Mucaaradka ku ah dawladda uu hogaamiyo Md.Xasan Sheekh Maxamuud? Aan ku baro waa”Sheekh Shariif Sh.Axmed, Cumar C/rashiid, Xasan Cali Kheyre, C/weli Cali Gaas, Sharif Xasan Sh.Aden, Dr,C/nur Sh.Maxamed, Xildhib.C/qadir Cosoble, Xildhib.C/raxman C/shakur, Dr.C/nasir C/lle Maxamed, Ridwaan Xirsi”,dhammaan dadkaan aan soo xusay iyo kuwa kale oo fara badan isku aragti ayey ahayeen MW-Xasan waqtigii loo diyaar garoobay doorshada dalka,Goormee ayey isbedeleen? 25/5/2023-ii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray bayaan soo jeedin ah kuna saabsan Qaabka dalka Soomaaliya Hogaankiisa sare uu noqonaayo waxaane la isku raacay lana soo jeediyey in dalka Soomaaliya uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen meeshana laga saaro Reysal Wasaare,waxaa kaloo la isku afgartay in dalka laga dhiso laba Xisbi kaliyah kuwaaso u tartamaayo Hogaanka dalka Soomaaliya,ujeedka ayaa ah in laga gudbo qaabka hadda wax loo doorto ee ah mid Qabiileysan ahne (4.5),waane qaab ey si aad ah ugu xaqiran yihiin dadka waxbartay ee ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay. Laba maalin ka dib kuna beegneed 27/5/2023-kii waxaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya looga dhawaaqay Mucaaradka DFS kuwaaso qaar iyaga ka mid ah aan kor magacayadooda ku soo xusay. 12/7/2023-kii ayey Muqdisho kuwada kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo rag ka socday Mucaaradka waxaane ka mid ahaay” Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xildhib.C/qaadir Cosoble, Xildhib.C/raxman C/shakuur iyo Ex-RW-Xasana Cali Khayre”waane afarta siyaasi kuna hayb ah MW-Xasan Sheekh kulana dhegan kursiga. Dawladda Fedraalka Soomaaliya oo ka duuleysa siyaasdda wax ii geli afka ey yaqaaniin siyaasiyiinta Soomaliyeed ee maanta joogta ayaa soo saartay magacyada Safiiro dhan ilaa toban Safiir,waxaane Safiiradaasi ka soo dhex muuqday EX-RW-ku xigeen Ridwaan oo loo magacaabay dalka Kuweyt iyo Dr.Khadija Cosoble Cali oo la dhalatay Xildhibaan C/qaadir Cosoble,waxaa kaloo jirtay in Ex-Rw-Cumar C/rashiid,C/weli Gaas iyo Dr.C/nuur iyagana la siiyey min hal Safiir sidaas darteedna ey isaga bexeen Liiskii Mucaaradka DFS mana eysan ka soo muuqan dhammaan shirarkii ugu dambeeyey ee uu yeeshay Mucaaradka,warar aan weli la xaqiijin ayaa iyagan sheegaayo in EX-RW-Khayre uu u dayriyey saaxibadiisa kala Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan C/shakuur ka dib markii EX-MW-Sheekh Shariif uu gacan saar la yeeshay EX-MW-Farmaajo uuna u fuliyey hadafkiisa ahaay in Sheekh Shariif baarlamaanka ka hor sheego hadal uu u soo dhiibaya Farmaajo. Laakinse su’aal ayaa taagan oo ah waa maxay sababta uu Mucaaradka DFS uu uga dhuuntay Heshiiskii dhexmaray DFS iyo dalka Turkiga?

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

MUQDISHO: QARAX KA DHACAY CEELASHA BIYAHA.

Next
Next

KOOXDA ALSHABAAB OO ISKA DISHAY ILAA 15-DAGAALYAHAN.