KOOXDA ALSHABAAB OO ISKA DISHAY ILAA 15-DAGAALYAHAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA OO SIFEYN KA WADA DHULKA ALSHABAAB LAGA SAARAY.

(GALMUDUG)-Waxaa weli si xawli ah uga socdo qeybo ka mid ah maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaliya dagaal looga soo horjeedo joogitaanka kooxda Alshabaab ee degaanadaas,inta badan degaanada dhaca Koonfurta Gobolka Mudug waxaa laga saaray kooxda Alshabaab gaar ahaan degaanadda Camaara, Caada iyo Bacaad Weyn,waxaane hadda socdo sifeynta dhulka u dhexeeyo Camaara iyo Caad ey kooxda Alshabaab u soo dirtay koox yar oo halkaasi ka sameyneysaa arbushaad. Dhinaca kale,waxaa shaly gelinkeedii dambe uu dagaal xoogan ka dhacay Yackoos waxaane halkaas kooxda Alshabaab lagu gaarsiiyey jab aad u xoogan waxaane kooxda laga gubay Gaari Zoo ah oo ey ku dagaalamayeen,sida ey xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalkii shalay ka dhacay Yackoos waxaa lagu dilay Horjoogihii kooxda Alshabaab ee Galmudug iyo Madaxii Jabhadaha ee isla Galmudug. Dagaal culus una dhexeeyo kooxda Alshabaab ayaa isna ka dhacay degaano Xiin-Guduud ee hoostaga degmada Dh/mareeb ee Gobolka Galgaduud,dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Ashabaab kana soo jeeday degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ey is qabteen koox kale oo isla Alshabaab ah eyna ka wada dagaalamayeen degaanka Xiin-Guduud ee hoostaga degmada Dh/mareeb waxaane dagaalkaasi ku dhinta ilaa 15-dagaalyahan oo labada dhinac ah waxaane jira dhaawac fara oo labada dhinac ah mana jirto cid ka hadashay dagaalkii shalay ey isku fara saareen Alshabaabka.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

WAA MAXAY SABABTA UU RW-KHAYRE UGA BAXAY MUCAARADKA?

Next
Next

JAMAAL CISMAAN OO QIRAY INUU DHUUMASHO KU GELI RABAY PUNTLAND.