MUQDISHO: QARAX KA DHACAY CEELASHA BIYAHA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DFS.

(MUQDISHO)- DEG DEG: Wararka ka imaanaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in degaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca duleedka Muqdisho uu halkaasi ka dhacay Qarax laga maqlay degaanada ku hareereysan Ceelasha Biyaha. Sida ey sheegeen Goobjoogayaal Qaraxa ayaa ahaay Miino Nuuca loo yaqaano soo boodada waxaane lala eegtay gaari ey iska leedahay Hayadda Sirdoonka Qaranka ee NISA. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa seddex askeri waxaane ku dhaawacmay afar kale, dhamaan askartaan dhibku soo gaaray ayaa ka wada tirsan Hayadda NISA. Dhinaca kale,waxaa hawlgal aad u xoogan uu ka socdaa Gobolka Shabeeladda Hoose gaar ahaan degmooyinka laga soo galo Gobolka Banaadir sida Afgooye,waxaane dhacday in kooxda Alshabaab looga adkaaday dhammaan degaanada hoostaga degmada Afgooye ee Goblka shabeeladda Hoose.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO SHIR GUDOOMIYEY…

Next
Next

WAA MAXAY SABABTA UU RW-KHAYRE UGA BAXAY MUCAARADKA?