WAA MAXAY SABABTA EY MAAMUL GOBOLEEDYADA DALKA UGA…

(SAWIRKA)-MW-DENI OO MADAXTOOYADA GARAWE KU QAABILAY WAFDI KA SOCDAY DAWLADDA ITOOBIYA.

(GARAWE)-Maamulka Puntland waxa uu ka mid yahay labada maamul ee ugu faca weyn inta maamul ee maanta ka jirta dalka Soomaaliya, Puntland iyo Soomaaliland waxaa ka jirta nabad ey ku kasbadeen in hayadaha caalamiga ah iney saldhig ka dhigtaan caasimadahooda (Garawe iyo Hargeysa)waxaane sidaas ugu dhismay degaanadooda balse dhinaca kale labadaan maamul ayaa ah kuwa gacan saar xoogan la leh welina la leh dalka Itoobiya tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-dii. Waxaan ognahay in maamulka Puntland inuu dalka Itoobiya la lahaay iskaashi dhinaca Amniga ah oo waxaa horay u dhacday in maamulka Puntland uu ka gurbin jiray degaanadiisa cid kasta oo looga shakiyo iney taageero u hayso amaba ka tirsan Jabhadda ONLF ee u dagaalanta Xurnimada dhulka maqan ee Soomaaliyeed ee loo yaqaano Soomaali Galbeed,MW-Faroole ayaa ahaay Madaxweynihii ugu dhaqan xumaay intii Madaxweyne soo martay Puntland waxa uuna lacag xad dhaaf ah siin jiray askartii soo qabata cid kasta oo ka tirsan amaba taageerta ONLF waxaane loo gacan gelin jiray Taliskii Meles Zenawi ka dibne lamaba sii arki jirin dadkaas Puntland ey u dhiibtay Xabashida,sidoo kale maamulka Soomaaliland ayaa isagana sameyn jiray sida ey Puntland sameyso oo ah dhiibitaanka halyeyada ONLF,maxaa taagan maanta oo aan aragnaa? Ma u baahna inaan ka hadalno waxa ey sameysay Soomaaliland oo waa midaan wada ognahay laakinse waxaa mudan inaan idiin dul istaago maxaanad ogayn oo maanta ka socdo Garawe? MW-Siciid C/laahi Deni ayaa dib loogu doortay doorashadii dhacday 8/1/24-ka,yaa doortay uma baahna in su’aal la iska weydiiyo waayo MW-Deni waxa uu si fudud u iibsaday ISIMADII ey lahayd Puntland waxa uuna si xoog ah u soo xushay Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Puntland oo la rabay iney noqdaan 49-Xildhibaan balse MW-Deni oo iska diiday arrinkaas waxa uuna ka dhigtay 66-Xildhibaan anagoo wada og mawqifka SSC-Khaatumo ka qaadatay Golaha Wakiiladda Puntland ee cusub,tusaale ahaan G/Mudug MW-Deni waxa si xoog ah Xildhibaan uga dhigay Cabd-Kaafi isaga oo aan haysan Saxiixa odayga Beesha reer khalaf waxaane kursiga Beesha reer Khalaf loo saxiixay Xildhibaan Cabaas Cali Kacaan balse MW-Deni ayaa laadka ku dhuftay kana saaray daaqadda. Is weydii dib u doorashada Deni yaa ku lug lahaay dhinacyada dhaqaalaha iyo Amniga? Sida la soo sheegay dawladda Imaaraatka Carabta ayaa bixisay dhaqaale dhan $20-Milyan oo doolarka Maraykanka ah si dib loogu doorto Deni waane midaas tan keentay in ISIMADII Puntland ee shalay ka horyimid in tirada Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Puntland ey noqdaan 66-xildhibaan iney ka aamusaan doorashada aan ku dhisneyn cadaaladda ee Deni dib loogu doortay,dhinaca kale,dib u doorashada waxa ey fursad weyn u noqotay dawladda Itoobiya oo hadda ey ku furan tahay mawjado diblomaasiyadeed oo kaga imaanayo dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya ka dib markii ey Heshiis kala saxiixdeen Soomaaliland horaantii bishaan Janaayo-2024-ka,si tashwiish loogu furo amaba loo carqaladeeyo Horumarka muuqda ey DFS ka gaartay dagaalka Alshabaab loona hor istaago dagaalka Diblomaasiyadeed ee wiiqay karaamadii Itoobiya ku lahayd dibadda ayey hadda Itoobiya bilawday shukaansi qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira eyna ugu horeeyaan Madaxweynayaasha kala ah Siciid Deni oo Puntland ah iyo C/casiis Xasan Maxamed oo Koonfur Galbeed ah,Itoobiya ayaa labadaasi maamul waxa ey u kala dirtay saraakiil Sirdoon iyo diblomaasiyiin ka gacan siiya sidii DFS lugaha loogu dhegi lahaay dhawrka sano ee dhiman eyna fashil ugu soo dhammaan lahaayeen dagaalka Alshabaab iyo kan looga soo horjeedo Damaca Itoobiya.

ISHA/SBM.

GARAWE/PUNTLAND.

Previous
Previous

MESSI OO MAR KALE KU GUULAYSTAY…

Next
Next

YAA KA DAMBEEYA AFDUUBKA WASIIR JANAN?