MESSI OO MAR KALE KU GUULAYSTAY…

(SAWIRKA)-LIONEL MESSI.

(ZURICH-SWITZERLAND)-Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano FIFA ayaa waxa uu soo saaray Qiimeyntiisii sannadlaha ahayd ee cayaartooyda Kubadda cagta ka cayaarto daafaha caalamka,hadaba maanta oo Isniin ah kuna beegan 15/1/2024-ka ayaa waxaa soo baxay liiskii Qiimeynta cayaartoyda Kubadda Cagta adduunka. Xiddiga kooxda Inter Miami ee ka dhisan dalka Maraykanka una dhashay dalka Arjantiin Lionel Messi ayaa loo magacaabay cayaaryahanka ugu wanaagsan cayaarta kubadda cagta sannadkii tegay ee 2023-ka,halka Aitana Bonmati oo ka tirsan Nadiga Barcelona ee dalka Isbayn ey ku guulaysatay abaalmarinta ey bixiso FIFA ee dhinaca hablaha Kubadda Cagta Adduunka. Tababaraha u dhashay dalka Isbeyn ee ku guulaystay seddex koob intii uu hogaaminayey Naadiga Manchester City ee dalka Ingiriiska Guardiola ayaa isna ku guulastay abaalmarinta tababaraha sannadka 2023-ka ee FIFA ee dhinaca Raga. Tababaraha Xulka Qaranka kubadda cagta ee dalka Holland Sarina Wiegman ayaa ku guulaysatay abaalmarinta tababaraha sannadka-2023-ka ee FIFA ee dhinaca Dumarka. Abaalmarinta Goolhayaha sannadka-2023-ka ee FIFA ayaa waxaa la gudoonsiyey Goolhayaha kooxda Manchester City una dhashay dalka Brazil waa Goolhaye Ederson.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

QARAX MAANTA KA DHACAY MUQDISHO.

Next
Next

WAA MAXAY SABABTA EY MAAMUL GOBOLEEDYADA DALKA UGA…