QARAX MAANTA KA DHACAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)-GOOBTU QARAXA KA DHACAY MAANTA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta Duhurkii uu halkaasi ka dhacay Qarax aad u weyn oo laga maqlay magaaladda inteeda badan,Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar waxaane Qaraxa fuliyey Qof naftiis haliga ah oo ka tirsan Kooxda Alshabaab iskuna soo xiray waxyaabaha. Booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray Qaraxii maanta waxa uuna sheegay Boolisku iney dhinteen seddex ruux eyna dhaawacmeen laba kale,qofka naftiis haliga ah ayaa isku Qarxiyey banaanka hore ee maqaayadda AL-HINDI ee degmada X/weyne ee G/banaadir,goobta uu isku Qarxiyey naftii haliga ah ayaa ah halkii ey ka soo galeen Xarunta G/banaadir dabley ka tirsan kooxda Alshabaab sannadkii hore ee 2023-ka. Sida laga daawaday kaamerada Qarsoon CCTV-da naftii haligaha ayaa waxaa istaagjiyey askeri ka tirsan ciidamadda BIRMADKA ee ilaaliyo Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar,naftii haligihii waa uu diiday inuu maqlo amarka askerigii ka tirsanaay ciidamadda BIRMADKA G/Banaadir laguna magacaabo ABSHIR MAXAMED XASAN, markaas ka dib ayuu Abshir dhawr xabadood waxa uu ku dhuftay naftii haligihii waxaane sidaas ku qarxay Qaraxii galaaftay nafta dad shacab ah,dhinaca kale,kooxda Alshabaab war ey goor dhaw soo saartay kuna faafisay baraha bulshada ayey ku sheegatay iney ayada ka dambaysay Qaraxii maanta ka dhacay dhabarka dambe ee Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar. Sida muuqata kooxda Alshabaab waa ey kala jajabtay waxaane taas daliil cad u ah in kooxdu bilawday iney xukun dil toogasha ah ku rido dad gaar amaba ajaanib ah waayo Maxkamada Alshabaab ee JILIB ayaa waxa ey xukun dil toogasha ah ku xunkuntay kuna fulisay todobo qofood ey shan ka mid ah yihiin Soomaali halka labada kale ey yihiin Kenyan.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

MAXKAMAD XUKUNTAY WIILKA MW-XASAN SHEEKH.

Next
Next

MESSI OO MAR KALE KU GUULAYSTAY…