MAXKAMAD XUKUNTAY WIILKA MW-XASAN SHEEKH.

(SAWIRKA)SHILKII KA DHACAY TURKIGA.

(ISTAMBUL-TURKEY)-Maxkamad ku taalo dalka Turkiga ayaa maanta oo Talaada ah kuna beegan 16/1/24-ka waxa ey xukun ku riday wiil uu dhalay Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud,maxkamada ayaa wiilka MW-Xasan waxa ey ku xukuntay inuu bixiyo ganaax ka yar kun doolarka Maraykanka ah ka dib markii wiilka MW-Xasan lagu helay inuu si lama filaan ah ugu dhacay mid ka mida darwaladda gaadiidka ee magaaladda Istambul ee dalka Turkiga,sidaas waxaa ku soo warantay warbaahinta gudaha dalka Turkiga. Maxkamada ayaa Maxamed Xasan Sheekh oo ah wiilka MW-Xasan sheekh ku heshay dembi ah inuu gaystay fal dayac ah ka dib markii gaarigii uu watay uu ku dhacay nin Mooto Bajaajle ah 30/11/23-kii,shilkaasi dhacay ayaa waxaa ku naf waayey Yunus Emre Gocer oo ahaay aabe leh laba caruur ah kaaso isbitaalka ku dhintay lix maalmood ka dib markii u dhacay shilka kuna beegneed 6/12/23-ka. Dacwad oogayasha Turkiga ayaa soo saaray amar lagu soo xiraayo wiilka MW-Xasan meel kasta uu adduunka ka joogo,ka dib markii ey booliska Turkiga ey ogaadeen in wiilka MW-Xasan uu ka dhoofay dalka Turkiga.

ISHA/BARRON’S.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO CODSI U JEEDISAY XUBNAHA URURKA NAM.

Next
Next

QARAX MAANTA KA DHACAY MUQDISHO.