SOOMAALIYA OO CODSI U JEEDISAY XUBNAHA URURKA NAM.
(SAWIRKA)-AARGADA LAMBAR AFAR MUQDISHO.
(KAMPALA-UGANDA)-Soomaaliya ayaa ku boorisay wadamadda xubnaha ka ah dhaqdhaqaaqa aan isbahayis ka mid ahayn(Non Aligned Movement) iney qadiyadda midnimada dhuleed ee Soomaaliya ey mudnaanta siiyaan inta uu socdo shirka ka dhici doono caasimadda Uganda ee KAMPALA. Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee soomaaliya Md.Xamsa Aden Xadaw oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa sheegay in Soomaaliya ey hadda uun ka soo kabanayso colaad,isla markaasne eysan awoodin iney isku dhacaan deriskeeda. “Ma haboona in dalalka xubnaha ka ah NAM ey eegaan iyadoo qaar ka mid ah deriskooda ey doorteen iney ku xadgudbaan madax-banaanidooda dhuleed. Waxa aanu ka codsaneynaa madaxa Ergada NAM iney nagu taageeraan qadiyadda dhulkeyna anagoo ah dal colaado ka soo kabanaayo. Waxaan aaminsanahay iney nabadu soo noqon doonto haddii xubnaha NAM inagu garab istaagaan” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md.Xamsa.
ISHA/AA.