MARAYKANKA OO MAR SEDDEXAAD WEERARAY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-MARKAB QAADA XAMUULKA.
(SANA’A-YEMAN)-Ciidamadda Maraykanka ayaa duqeymo cusub ka fuliyey dalka Yeman maanta oo Talaada ah,sidaas waxaa sheegay sarlkaal Marayakan ah xilli ey kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto Iraan ey sheegteen iney qaadeen weerar loo adeegsaday gentaalada lidka Marakiibta,weerarka ayaa lagu qaaday Markab qaada Xamuulka oo laga leeyahay dalka Giriiga kaaso maraayey Badda Cas. Weerarada isdaba jooga ah ee Xuutiyiinta iyo weerarada aargoosiga ah ey qaadaan Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo dagaalka Isra’iil ee ka dhanka ah Marinka Gaza inuu ku fido Gobolka oo dhan,waxa uuna hakad geliyey Ganacsigii mid ka mida Marinada Ganacsiga ugu muhiimsan adduunka. “Maraykanku waxa uu qaaday weeraro is difaac ah oo ka dhan ah afar gentaal ey soo rideen Xuutiyiinta kuwaaso Khatar ku ahaay Maraakiibta Ganacsi iyo Maraakiibta ciidamadda badda ee Maraykanka”ayuu yiri sarkaal Maraykan ah oo diiday in la shaaciyo magaciisa taaso ka dhigan ugu yaraan duqeyntii seddexaad oo noocaan oo kala ah muddo todobaad ka yar.
ISHA/ARAB.