MARAYKANKA OO KA HADLAY XIISADDA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-XUDUUDA SOMALIA IYO ITOOBIYA.

(WASHINGTON)-Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa u arka wel wel aad u weyn oo soo wajahay Amniga Qaranka Soomaaliya Heshiiskii dhawaan Itoobiya lagu siisay iney ka kirayso Xeebaha Badda Cas ee Soomaaliya kuna yaalo dhulka ey maamusho Somaliland gooni-goosadka ah,masuuliyiinta maamulka ayaa shalay oo Talaada ahayd sheegay,laakinse khubaradu waxa ey su’aal geliyeen sida ey uga go’an tahay Dawladda Maraykanka iyo awooda ey u leedahay iney qaboojiso xiisadaha ka taagan Gobolka kacsan. Labada dhinac(Somaliland iyo Itobiya) waxa ey heshiiska qalinka ku duugeen 1-dii Janaayo. Waqtigaas afhayeenka dawladda Itoobiya ahne la taliyaha dhinaca Amniga RW-Abiy, Ridwaan Xuseen ayaa sheegay in heshiisku sidoo kale “uu u gogol xaarayo helitaanka saldhig Mileteri oo laga kireeyey Badda Cas”. John Kirby oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta ee Golaha Amniga Qaranka dalka Maraykanka ayaa Idaacadda Codka Maraykanka(VOA) u sheegay in dawladda Maraykanka ka shaqeyneyso hawlgalayaasha Gobolka Geeska Afrika oo ey ku jiraan Ururka Midawga Afrika iyo sideeda Xubnood oo ka tirsan Urur Goboleedka IGAD si ey meesha uga saaraan heshiiska is-afgarad ah aan xirneyn kaaso dawladda Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Muqdisho u aragto mid aan sharci ahayn. “Runtii waan dhibtoonaynaa ayuu yir Kirby isaga oo raaciyey “Sida aan marar badan sheegnay waxaan taageereynaa Madax-banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya waane in la ixtiraamaa”.

ISHA/VOA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MAXAA ADDIS ABABA KA SOCDO OO AAN LA OGAYN?

Next
Next

MARAYKANKA OO MAR SEDDEXAAD WEERARAY XUUTIYIINTA.