MAXAA ADDIS ABABA KA SOCDO OO AAN LA OGAYN?
(SAWIRA)-WADAMADA KA TIRSAN URURKA MIDAWGA AFRIKA.
(ADDIS ABABA)-Sida aan la socono waxaa meel halis ah taagan Damaca dawladda Itoobiya ku dooneyso iney xoog ku qaadato dhul Soomaaliyeed oo xur ah,waxaane hadda magaaladda Qaahira ee ah caasimadda dalka Masaar ka socdo fadhi deg deg ah ey leeyihiin wadamadda Xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta kuna saabsan arrimaha Badda Soomaaliya,sidoo kale maalinta berri ah waxaa loo balansan yahay in shir uu ka dhaco caasimadda dalka Ugandha ee Kampala,shirkaan ayaa waxaa ka qeybgeli doono Wadamadda xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD kuwaaso ah sideed dal eyna ka wada tirsan yihiin Soomaaliya iyo Itoobiya balse Itoobiya diiday iney ka qeybgasho,hadaba Addis Ababa maxaa ka jira? Magaaladda Addis Ababa ayaa waxaa ka furmay shir ey leeyihiin Golaha Nabada iyo Amniga ee Ururka Midawga Afrika loona yaqaano(PSC) bishaan Janaayo-2024-ka,shirkaan ayaa waxaa gudoomineysa haweneyda dalka Ghana u fadhidda Ururka Midaw Afrika lana yiraahdo Amma A.Twum-Amoah,waxaane maanta oo Arbaca ah la filaa in Golaha Nabada iyo Amaanka ee Ururka Midawga Afrika(AU PSC) iney la kulmaan Safiiradda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya uga wakiilka ah Ururka Midawga Afrika.
ISHA/ADDIS STANDARD.