YAA KA DAMBEEYA AFDUUBKA WASIIR JANAN?

(SAWIRKA)-WASIIR C/RASHIID JANAN.

(NAIROBI)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in halkaasi lagu la’ayahay Wasiirkii Hore ee Amniga ee Maamulka Jaubland Md.C/rashiid Janan,masuulkaan ayaa waxaa la sheegayaa in la waayey raq iyo ruux lix maalmood ka hor mana jirto cid sheegtay halka uu ku sugan yahay waqtigaan baadi goobka loogu jiro. Arrinta maqnaashaha Wasiir Janan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Jubaland Md.Yuusuf Xuseen Cismaan(Dhuumaal) waxa uuna Wasiirku sheegay in dawladda Kenya soo cadeyso halka uu ku sugan yahay Wasiir Janan iyo cidda gacanta ku hayso waayo ayuu yiri Dhuumaal Nairobi waa caasimadda dalka Kenya ayada ayaana masuul ka ah Amniga cid kasta oo lagu waayo gudaha dalkeeda. Dhiaca kale,waxaa isna arrinkaan si kulul uga hadlay Ugaas Beesha uu ka soo jeedo Wasiir Janan lana yiraahdo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed,waxa uuna sheegay Ugaas Maxamed in arrinkaan afduubka ah yahay mid si gaar ah loogu beegsanaayo Beesha uu isaga Ugaaska u yahay,waane markii labaad ayuu yiri Ugaas Maxamed oo Nairobi lagu dhex waayo dad u dhashay Beesha uu isaga Ugaaska u yahay. Taariikhdu markeey ahayd 13/5/2021-kii ayey ahayd markii gudaha magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya lagu waayey Ganacsade Eng.Bashiir Maxamed Maxamuud,waxaane dhacday in seddex maalmood ka dib kuna beegneed 16/5/21-kii meydka Eng.Bashiir laga soo helay Wabiga NYAMINDI waxaane la ag dhigay gaarigiisa oo dab la qabadsiiyey. AUN-Eng.Bashiir ayaa haystay dhalashada dalka Maraykanka mana jirto cid ilaa hadda loo xiray arrinka la xiriiro dilka Eng.Bashiir hadaba su’aasha ayaa ah Nairobi ma waxaa ka socdo beegsi u gaar ah Beesha uu ka soo Wasiir Janan mase hawshu waa mid salka ku hayso siyaadda ka taagan Jubaland?

ISHA/SBM.

Previous
Previous

WAA MAXAY SABABTA EY MAAMUL GOBOLEEDYADA DALKA UGA…

Next
Next

NISA IYO SHIRKADA HORMUUD KEEBAA KHALDAN?