TAHRIIBAYAAL LAGU QABTAY DALKA LIIBIYA.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(LIBIYA)-Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa ka warbixisay dhimashada 13 qof oo Tahriibayaal ah oo doonayey iney ka Tahriibaan Liibiya iyagoo raacaya doomo yar-yar, waxa eyna ku dartay warbixinteeda toddobaadlaha ah ee Facebook-ga in 14 kale oo Tahriibayaal ah la la’yahay ka dib markii la sameeyey hawlgalo gurmad ah iyo gurmadyo kale. Hay’adda IOM ayaa sheegtay in 790 qof oo Muhaajiriin ah lagu qabtay Badda Mediterranean-ka, waxayna dib ugu laabteen Liibiya isla muddadaas, waxayna intaas ku dartay in shaqsiyaadkan ay ka soo ambabaxeen Xeebaha Tripoli, Al-Zawiya, iyo Sabratha. "Muhaajiriinta la qabtay waxaa ka mid ahaa 40 Caruur ah, 657 Rag ah, iyo 93 Haween ah, kuwaas oo markii dambe loo gudbiyay Xarumaha lagu hayo ee Tripoli," IOM ayaa raacisay. Sida laga soo xigtay xogta IOM, tan iyo bilowgii Janaayo sannadkan-2025 ilaa 8-dii Febraayo, ugu yaraan 62 Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay Badda Mediterranean-ka, halka 2,633 Rag ah, 393 Dumar ah, iyo 162 Carruur ah la qabtay oo dib loogu celiyay Liibiya. Dalka Liibiya tan iyo markii xukunka laga riday Madaxweyne Mucamar AL-Qadaafi sannadkii 2011-kii, dalka waxa uu galay fawdo iyo gacma gacmeyn Siyaasadeed oo dibadda kaga timid taaso sababtay in kuwa wax Tahriibiyo(Dad iyo Shidaal) iney si fiican uga hawlgalaan dalka Liibiya gaar ahaan degaanadda saaran Badda Miditereeniyaanka si dadkaasi iyo shidaalkaba halkaas looga Tahriibiyo. Dalka Liibiya ayaan weli ku taagneyn cago fiican waayo waxaa isku haayo Imaaraatka Carabta iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Turkiga oo dhinaca kala ah,dal walbane danihiisa ayuu wataa,wax ka galay danta dadka reer Liibiyana ma jirto.

ISHA-LO.

Previous
Previous

GAARI DAD LA JIIRSIIYEY MAGAALADA MUNICH.

Next
Next

XIJAABKA OO LAGA MAMNUUCI RABO DALKA AUSTERIYA.