GAARI DAD LA JIIRSIIYEY MAGAALADA MUNICH.

(SAWIRKA)-GOOBTA SHILKU KA DHACAY.

(MUNICH)-Ugu yaraan 20-qof ayaa dhaawacmay ka dib markii gaari uu jiiray dad isugu soo baxay magaaladda Munich Khamiista maanta ah sida ey Boolisku sheegeen,xilli magalaadda Koonfureed ee dalka Jarmalka ey isu diyaarineyso shir ku saabsan Amaanka oo heer sare ah oo ey ka qeybgelayaan Madaxweyne ku Xigeenka dalka Maraykanka JD Vance iyo Madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskiy. Wargeyska Bild ayaa sheegay in boolisku baarayaan in darawalka gaari nooca Mini Cooper ah uu si kas ah ugu jiiray dadka ama uu isku khalday sheelaraha iyo bareega. Booliska ayaa barta X ku sheegay inay xireen darawalka ayna rumeysan yihiin inuusan khatar dambe ku ahayn dadka, hase yeeshee Booliska ayaa ka gaabsaday inuu shil ku tilmaamaan arrintan. “Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacmay, qaarkood si daran,” afhayeenka booliska Munich ayaa yiri. Shirka Amniga Munich ayaa Jimcaha bilaabanaya, waxaana magaalada soo gaarayay saraakiil sare, oo ay ku jiraan Vance iyo Zelenskiy, Khamiista. Hawlgal ballaaran oo boolis ah ayaa ka socday agagaarka saldhigga tareenka dhexe ee magaalada. “Hal qof ayaa dhulka jiifa, nin dhalinyaro ahna booliska ayaa qaaday. Dad badan ayaa dhulka fadhiya, iyagoo ooyaya oo gariiraya,” Wariye ka tirsan Warbaahinta BR ee maxalliga ah ayaa ku qoray barta X. Shilka ayaa saameeyay dad ka qeyb qaadanayay dibadbax la xiriiray shaqo-joojin uu abaabulay Ururka shaqaalaha Verdi, sida uu sheegay telefishinka. Ururka Verdi ayaa sheegay inaysan wax macluumaad ah ka haynin dhacdada. Booliska ayaa goob markhaatiyaasha loogu talagalay ka sameeyay Loewenbraeukeller, oo ka mid ah goobaha khamriga ee ugu da’da weyn Munich. Dhacdadu waxay ka dhacday qiyaastii meel 1.5 kiiloomitir (1 mayl) u jirta goobta shirka Amniga. Amniga Jarmalka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo toddobaadka soo socda la filayo Doorashada Federaalka, islamarkaane ey jireen weeraro rabshado wata oo taxane ahaa. Wadihii weday gaariga geystay dhibaatada ayaa gacanta lagu dhigay, waxa uuna u dhashay dalka Afgaanistaan megengalyo doon ah, da’adiisan waxaa lagu sheegay iney tahay 26-jir, weli lama yaqaan sababta uu u sameeyey dhibkaan.

ISHA VOA/SOMALI.

Previous
Previous

HOOYO SOOMAALI AH OO KA MID NOQOTAY DADKI…

Next
Next

TAHRIIBAYAAL LAGU QABTAY DALKA LIIBIYA.