XIJAABKA OO LAGA MAMNUUCI RABO DALKA AUSTERIYA.

(SAWIRKA)-GABDHO MUSLIMIIN AH.

(VIENA)-Xisbiyada Midigta Fog ee Freedom Party (FPO) iyo Xisbiga dadka ee Midigta Dhexe (OVP) ayaa isku raacay Arbacada maanta iney soo bandhigaan mamnuucida Xijaabka Gabdhaha da'doodu ka yar tahay 14-sano ee iskuulada taasoo qayb ka ah wada Xaajoodka Isbahaysiga, sida uu qabo Barnaamij Dawladeed oo sir ah. Awstariya ayaan wali soo dhisin Xukuumad cusub inkasta oo ay doorashooyin guud ka dhaceen Sebtember 29-keedii. Wada hadallada u dhexeeya FPO iyo OVP, oo socday in ka badan hal bil, ayaa hakad ku yimid arrimo muhiim ah, laakiin waxaa soo baxay heshiisyo ku saabsan siyaasado muran badan dhaliyay oo la xiriira socdaalka iyo isdhexgalka. Dukumeenti ka kooban 233 bog oo sir ah, oo warbaahinta Austeriya ku tilmaantay " Hab-maamuus sir ah" ayaa qeexaya heshiis la isku afgartay in Xijaabka laga mamnuuco dugsiyada iyo kordhinta Xakamaynta dawladda ee Waxbarashada Diinta Islaamka. Dukumeentigu wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in xijaabka yahay "qalab lagu khasbo" wuxuuna soo jeedinayaa in xayiraadda la kordhiyo Hay'adaha Dawladda. Qabyo-qoraalkan ayaa soo jeedinaya siyaasado adag oo socdaalka, dhimista dheefaha bulshada iyo soo afjarida habka ku biiritaanka Turkiga ee Midowga Yurub. Waxay ku boorinaysaa in la xiro dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee loo arko inay "khatar yihiin," oo ay ku jiraan Liste Gaza, ama Liste Gaza, koox loo sameeyay inay iftiimiso waxa ay ku tilmaantay Xasuuqa Gaza. Khilaaf weyn ayaa ka taagan Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo magacaabista Wasiirada. FPO, oo caan ku ah mowqifkeeda taageersan Ruushka, ayaa isku dhacay OVP Xiriirka Austeriya iyo Midowga Yurub. Xisbiga Midigta Fog ayaa sidoo kale dalbanaya in la Xakameeyo Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda, taas oo ah qodob la isku mari la’yahay wada hadallada. Hogaamiyayaasha FPO iyo OVP ayaa lagu wadaa in ay mar kale kulmaan ka hor inta aysan la tashan madaxweyne Alexander Van der Bellen. Natiijadu waxay go'aamin doontaa haddii Wada-Xaajoodka isbahaysigu sii socdo ama uu burburo, taasoo kordhinaysa hubanti la'aanta Siyaasadeed ee Austeriya.

ISHA-AA.

Previous
Previous

TAHRIIBAYAAL LAGU QABTAY DALKA LIIBIYA.

Next
Next

DALKA KOONGO OO DACWAD KA GUDBIYEY RWANDA.