URURKA EAC OO YEESHAY XOGHAYE CUSUB.
(SAWIRKA)-VERONICA MUENI NDUVA.
(ARUSHA)-Haweeneydii ugu horeeysay ee Xoghayaha Guud ka noqota Ururka Beesha Bariga Afrika(EAC) Veronica Mueni Nduva ayaa lagu dhaariyey shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Madaxda Dawladaha Xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika(EAC) ee uu shir gudoominaayey Madaxweynha hadda xilka haayo ee dalka Koonfurta Suudaan Md.Salva Kiir. Nduva oo iska casishay shaqada Xoghayaha Maamulka ee Adeega Dadaweynaha,Waxqabadka iyo Maareynta Bixinta ayaa balan qaaday iney wax ka qaban doonto arrimaha muhiimka ah ee Ururka EAC eyna daacad ka ahaan doonto ajandaha isdhexgalka. Nduva ayaa sidoo kale balan qaaday iney waqtigeeda ku bixin doonto sidii ey nabad ugu soo dabaali lahayd Gobolka Geeska Afrika ey colaaduhu ka jiraan,sida xuduudaha Rwanda iyo Burundi,Bariga dalka Koongo iyo xiisadda aadka u kulul ee u dhexeyso dalalka Jamhuuriyadda dimuqaraadiga ah ee Koongo iyo dalka Rwanda. Nduva ayaa qirtay Madaxdii iyada ka horeysay Dr.Peter iyo shaqaalaha Xoghaynta iyadoo sheegtay in dadaalkooda uu horseeday Aasaas adag si kor loogu qaado horumarka la doonaayo in lagu gaaro afarta tiir ee isdhexgalka.
ISHA EA.