ALSHABAAB OO CASHAR LOOGU DHIGAY CEELDHEER.

(SAWIRKA)-XOOGAGA DEGAANKA.

(CEELDHEER)-Wararka ka imanaayo degmadda Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Degaanka ey saakay Jab Xoogan u gaysteen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo waaberigii hore ee saakay weerar ku soo qaadau fariisimo ey ku sugnaayeen Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Degaanka ee degmada C/dheer ee G/Galgaduud. Ciidamadda ayaa horay u haayey Xogta in Maleeshiyaadka Alshabaab Qorsheynayaan weerarkaan dhacay saakay taasi oo keentay in Ciidamadda Qalabka Sida iyo kuwaa Degaanka iney aad u feejignaadaan isla markaasne difaac adag ka galaan goobo ka baxsan fariisimaddii horay loogu yaqiin,waxayne qaflad ku qabteen Maleeshiyaadkii Qorshohu u ahaa iney wax dhagraan taasine ey sahashay in Maleeshiyaad badan halkaas lagu laayo. Warbaahinta Qaranka oo la xiriirtay saraakiisha ku sugan degmada Ceeldheer ee G/galgaduud ayaa xaqiijiyey in Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka oo iskaashanaya iney Jab Xoogan gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii Alshabaab oo iyagu dhawr jiho ka soo weeraray magaaladda Ceeldheer balse badankooda halkaas lagu dilay,waxaane hadda hawgal balaaran uu ka socdaa duleedka magaaladda Ceeldheer. Dhinaca kale,wararka hadda inaga soo gaarayo degaanka ayaa sheegaayo in diyaadaha aan duuliyaha wedin ee dalka Turkiga ey ku soo biireen baacsiga firxadka kooxda Alshabaab ee u kala cararay jihooyin kala duwan,qaar ka mida ah Maleeshiyaadka Alshabaabkii ku soo jabay degmada Ceeldheer ayaa ku go’odoonsan hawdka Hasha Cad iyo Rasta waxaane halkaas hadda ku hareereysan ciidamo ka yimid degmada Mesegawaay oo ka war helay in maleeshiyaadka Alshabaab u soo firxadeen dhankooda. LA SOCO WIXII WAR AH EE KA SOO KORDHA CEELDHEER.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

URURKA EAC OO YEESHAY XOGHAYE CUSUB.

Next
Next

SOOMAALI LAGU XUKUMAY GOBOLKA MINNESOTA USA.