SOOMAALI LAGU XUKUMAY GOBOLKA MINNESOTA USA.
(SAWIRKA)-SOOMAALI LAGU XUKUMAY MINNESOTA.
(MINNESOTA)-Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ah kan ey degan yihiin Soomaalidda ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka,waxaa Gobolkaas Minnesota la keenay wada dhammaan dadkii Qaxootinimada looga soo qaaday Qaaradda Afrika intooda badan waqtigii uu dalka Soomaaliya ka socday dagaalka Sokeeye sannadkii 1991-dii ilaa laga soo gaaraayo sannadkii labada kun oo ey xaaladda dalka Soomaaliya wax yar ey degtey. Soomaalidda ku nool Gobolka Minnesota ayaa waxaa lagu soo eedeeyey iney lunsadeen lacag gaareyso ilaa $250-Milyan oo doolarka Maraykanka ah,lacagtaan ayaa loogu talagalay in lagu quudiyo caruurta waqtigii dalka Maraykanka uu ka jiray cudurka Kooroonaha. Dadka Maxkamadda la saaray todobo qofood ayaa shan iyaga ka mid ah waxaa lagu helay dembiyadii ey galeen waxaane dembiyo lagu waayey labadii kale,,waxaane dib loo soo celiyey lacag dhan $50-Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Xubnaha dembiga lagu helay ayaa kala ah”C/casiis Shaafi Faarax,Maxamed Jaamac Ismaaciil,C/majiid Maxamed Nuur,Mukhtaar Maxamed Shariif iyo Xayaat Maxamed Nuur”,waxaane dembi lagu waayey Saciid Shaafi Faarax iyo C/wahaab Maalin Iftin.
ISHA/CO.