XARUNTA DEGMADA RUUN-NIRGOOD OO LA GALAY.

(SAWIRKA)-CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(RUUN-NIRGOOD)-DEG DEG: Wararka inaga soo gaarayo Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeeladda Dhexe ee maamulka H/shabeele ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugnaay halkaasi in mudda ah kuna hawlanaay sifeynta Miinooyinka ey Alshabaab ku saaseen gudaha iyo hareeraha Xarunta Degmada Ruun-Nirgood ayaa maanta ugu dambeyntii waxa ey gudaha u galeen Xarunta Degmada Ruun-nirgood,waxa eyna la wareegeen gacan ku haynteeda. Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Xadka kala qeybiya labada Gobol ee Galgaduud iyo Shabeeladda dhexe ee labada maamul Galmudug iyo H/shabeele ayaa ah ciidan dhinac walba ka diyaarsan eyna u dhammaystiran yihiin dhammaan agabkiisa uu ku hawlgelaayo,waxaane lagau sugaa iney sifeeyaan dhulka hawdka ah ee ku yaalo xadka labada Gobol. Degmadaan Ruun-Nirgood waa Degmo ku taalo goob Istaraatiiji ah oo lagala socon karo dhaqdhaqaaqa kooxda Alshabaab ee isaga kala gooshta labada maamul ee Galmudug iyo H/shabeele,waxaane horay u dhacday in kooxda Alshabaab saldhig ka dhigatay dhulka Hawdka ah, waxaane Degmada Ruun-Nirgood ku dhaw dhul hawd ah ey kooxda Alshabaab in mudda ahba ka dhiganeysay gabaad ey kaga dhuumato duqeymaha diyaaradaha Drones-ka ah ey leeyihiin saaxibadda caalamka.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

WASIIR GABOOBE OO KA HADLAY DAGAALKA LAANDHEER.

Next
Next

URURKA EAC OO YEESHAY XOGHAYE CUSUB.