UNICEF OO WAR KA SOO SAARTAY DADKA KU DHIN…

(SAWIRKA)D00N SIDA TAHRIIBAYAAL.

(UN-KA)-Wararka laga helaayo Hayaddda Qaramada Midoobe u qaabilsan Caruurta ee UNICEF ayaa sheegayo in, in ka badan 2,200-qof ey ku dhinteen ama lagu la’ayahay Badda Miditereniyaanka sannadkii tegay ee 2024-ka,iyadoo ku dhawaad 1,700 ey ku naf waayeen Marinka Bartamaha Miditereniyaanka, Agaasimaha guud ee Gobolka ee Hayadda UNICEF ee Yurub iyo Bartamaha Asiya Regina Dominicis ayaa sheegtay khamiistii la soo dhaafay. De Dominicis,oo ah xiriiriyaha gaarka ah ee wax ka qabashada Qaxootiga iyo Soogalootiga Yurub ayaa sheegtay in dhibanayaasha ey ku jiraan boqolaal caruur iyo dhallinyara ah. “Tan waxaa ku jira boqolaal Caruur ah,kuwaaso shantii Caruur ahba mid ka md ah uu u haajiro Yurub isaga oo sii maraayo Badda Miditeteniyaanka,inta badan waxa ey ka cararayaan colaado rabshado wata iyo faqri”,De Dominicis ayaa sidaas carabka ku adkeysay. Tirakoobkaan ayaa la soo saaray ka dib markii Tahriibayaal ey ku qaraqmeen Xeebaha dalka Liibiya habeenkii sannadka cusub,waxaane la la’yahay ilaa 20-qof oo ka ambabaxay Xeebah dalka Liibiya. Waxaane ka soo badbaaday Todoba qof oo uu ku jiro wiil sideed jir ah kaaso hooyadiis ey geeriyootay,wiilkaan yar ayaa loo kexeeyey Jazeeradda Sicilian Lampedusa,ka dibne waxaa loo gudbiyey xarunta martigelinta ee ku taal Agrigento,Sicily.

ISHA-LO.

Previous
Previous

LIIBIYA OO BILAWDAY DAGAAL KA DHAN AH TAH…

Next
Next

RUUSHKA OO GACANTA KU DHIGAY DAD LOO..