RUUSHKA OO GACANTA KU DHIGAY DAD LOO..

(SAWIRKA)-AMNIGA RUUSHKA.

(MOSCOW)-Hayadda Nabad Sugidd dalka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta ku soo dhigtay afar ruux oo qorsheynaayey iney geystaan weerar Qaraxyo loo adeegsaday goobo dadku aad ugu badan yahay kuna yaaliin magaaladda YEKATERINBURG. War Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Xiriirka Dadweynaha ee Adeega Amniga Fedraalka maanta oo Sabti ah ayaa lagu yiri”Ciidanka Amniga Federaalka ayaa xiray afar Mawaadin oo Ruush ah kuwaaso kala dhashay sannadadii 2007-dii iyo 2008-dii,kuwaaso wata fikradaha Ururadda Argagixisada ee laga mamnuucay dalka Ruushka,waxa eyna qorhseynaayeen iney sameeyaan fal Argagixiso oo loo adeegsado Waxaha qarxo lana dhigo meelaha ey dadku ku badan yihiin ee magaaladda YEKATERINGBURG,bayaanka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay in la xaqiijiyey in labo ka mid ah raga la qabtay ee Maxaabiista ah ey sidoo kale ey ka qeyb qaateen gubista Baabuur ey leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ruushka ee Gobolka SVERDLOVSK. War ka soo baxay Hayadda Nabad Sugidda Fedraalka ayaa intaas raaciyey”Waxaa gacanta lagu dhigay walxaha Qarxa oo guri lagu sameeyey iyo qalab isgaarsiineed oo ey ku jiraan warbixino ka hadlaayo qaabkii loo sameeyey”.

ISHA-AA.

Previous
Previous

UNICEF OO WAR KA SOO SAARTAY DADKA KU DHIN…

Next
Next

MARAYKANKA OO SOOMAALIYA UGU DEEQAY $28-MILYAN