LIIBIYA OO BILAWDAY DAGAAL KA DHAN AH TAH…
(SAWIRKA0-CIIDAMADDA AMAANKA LIIBIYA.
(ALZAWIYA)-Wararka aan ka heleyno dalka Liibiya ayaa sheegaayo in aaga Mileteriga ee Xeebta Galbeed ee ka amar qaata Dawladda Midnimo Qaran ayaa ku dhawaaqay iney bilaabeen Hawlgalo Mileteri oo ka soda AL-Zawiya iyo degmooyinka deriska la ah si dib loogu soo celiyo Amniga loona dejiyo xaaladda,loona beegsado meelaha looga shakisan yahay iney ku sugan yihiin kuwa dadka Tahriibiya kana ganacsada Daroogada. Kooxda wada Hawlgalka ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay iney ugu baaqday shacabka degan AL-Zawiya iney ka fogaadaan meelaha ey joogaan kuwa looga shakisan yahay iney wax Tahriibiyaan amaba ey Ganacsdaaan Daroogada iyo Godadkooda,maadaam ey bartilmaameed u noqon doonaan Hawgalada ka socdo magaaladda AL-Zawiya iyo magaalooyinka Xeebaha Galbeed ee dalka Liibiya. Kooxda ayaa carabka ku adkeysay in loo baahan yahay in dadka degaanka ey u hogaansamaan digniinaha la soo saaray si loo ilaaliyo amaankooda. Kooxda wada Hawlgalka ayaa sheegtay in Ciidamadoodu ey leeyihiin dhammaan awoodaha iyo dariiqooyinka lagama maarmaanka ah mana joojin doonaan ilaa ey dabar gooyaan ilaha fawdada iyo dembiyadda abaabulan.
ISHA-LO.