UNICEF OO KA HADASHAY CARUURTA….
(SAWIRKA)-CARUURTA LALA TAHRIIBO.
(GENVE)-Maalin kasta laba caruur ah ayaa ku hafata biyaha badweynta Miditereniyanka dhexe si ey ugu gudbaan Qaaradda Yurub laakinse”Ma eysan helin badbaadin iyo Jid nabad ah”,sidaas waxaa sheegtay hayada caruurta ee Qaramada Middobe ee UNICEF maanta oo Jimca ah(14/7/23)-ka. Tirada caruurta ah ee ku naf waayey gudaha badda Miditereniyanka ayago isku dayey iney gaaraan Qaaradda Yurub ayaa korodhay sannadkan-2023-ka marka loo fiiriyo sannadkii tegay ee 2022-kii,Verena Knaus oo ah madaxa socdaalka adduunka ee hayada UNICEF iyo dadka barakacayaasha ah ayaa ka hadlay dhammaan arrimaha caruurta lala tahriibo waqti uu war kooban uu siinaayey Warbaahinta Qaramada Midoobe gudaha Geneve.
ISHA/AA.