SUDAN: 87-QOFOOD OO LA SOO HELAY MEYDADKOODA.
(SAWIRKA)-QABRIYADII LA SOO HELAY.
(DAARFUUR)-Waxaa la ogaaday tiro badan oo Qabriya ah kuwaaso ugu yaraan gaaraayo 87-qofood meydadkooda dilka dadkaan ayaa lagu edeeyey Xoogaga Gargaarka deg dega ah(RSF) ee uu hogaamiyo Xumaydeyti,Qubuurahaan ayaa laga helay gobolka Daarfuur ee dalka Sudan,sidaas waxaa maanta oo Khamiis ah sheegtay Qaramada Midoobe. Marka loo fiiriyo sida uu ku sifeeyey xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobe “Waa macquul caqli gal ah in arrintaan dhici karta”,dhibanayaasha ayaa ka soo wada jeedo dadka aan Carabta ahayn ee kooxda Masalit waxaane dilay Xoogaga Gargaarka deg dega ah(RSF),dadkaan ayaa la laayey inta u dhexeyso 13/6/23-ka ilaa 21/6/23-ka,dilka ayaa ka dhacay magaaladda El-Jeneyna ee ah caasimadda galbeedka Gobolka Daarfuur ee dalka Sudan.
ISHA/ARABIC.