UK YAA KU WEHLIYO ARRINTA QAXOOTIGA…
DAD QAXOOTI AH.
(ISTANBUL)-Sannadkii inaga tegay ee 2022-ka dalka Ingiriiska waxaa ka taagneed dood ku saabsan qaxootiga dalka Ingiriiska ka soo galo dhinaca badda u dhexeyso dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska,qaxootigaan ayey dawladda Ingiriiska Wasaaradeeda Arrimaha Gudaha u go’aamisay in la geeyo dalka Rwanda inta ey socoto hawshooda u aqoonsiga qaxootinimo.Arrintaan ayaa waxaa dood ka keenay hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha kuna sugan dalka Ingiriiska iyo xisbiyo siyaasadeed kana dhisan dalka Ingiriiska,hadaba dalka Ingiriiska arrintaan qaxootiga la gaynaayo dal kale yuu kaga dayaday? Dalalka Australia,Denmark iyo Israel ayuu dalka Ingiriiska kaga daysaday arrinta qaxootiga la gaynaayo dal kale,tusaale ahaan Israel waxa ey qaxootiga gaysaa dalalka Ugandha iyo Rwanda,Denmark waxa ey qaxootiga gaysaa dalka Rwanda,Australia ayaa ayadana qaxootiga gaysa dalka Rwanda,waxaane wadamadaan u qorsheysan ineey qaxooti geeyaan dalalka Itoobiya iyo Tuniisiya waqtiyada soo socdo.
ISHA WARKA AA.