UGU YARAAN 49-QOF AYAA KU DHIMATAY DOON KU GADOONTAY XEEBAHA YEMAN.

(SAWIRKA)-DOONIDI KU DGTAY XEEBAHA YEMAN.

(GENEVA/SHABWA’A)-War ey soo saartay Hayadda Muhaajiriinta Caalamiga ah(IOM) ayey ku sheegtay in ugu yaraan 49-Qof oo Muhjiriin ah iney ku dhinteen 140-kalane weli la’ayahay ka dib markii ey degtay Dooni ey la socdeen Xeebaha dalka Yeman. Doonidda ayaa waxaa saarnaay ilaa 260-Qof oo Muhaajiriin ah waxa eyna Xeebaha dalka Yeman ku degtay taariikhdu markeey ahayd 10/6/2024-ka gaar ahaan degmada Raduum ee Gobokka Shabwa’a. Dadka ku dhinta Musiibadaas foosha xun ayaa waxaa ka mid ah 31-Haween ah iyo Lix Caruur ah. “Musiibadaan dhacday waa mid kale oo ina xusuusineysa baahidda deg dega ah ee loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha deg dega ah ee Socdaalka iyo in la sugo Amaanka iyo Badbaadada Muhaajiriinta ee mara Wadooyinka Socdaalka”,ayuu yiri Maxamadali Abunajela oo ah afahyeenka Hayadda Socdaalka Muhaajiriinta Caalamka(IOM). “Fikradeyna waxay la jirtaa dhibanayaasha iyo Qoysaskooda inta aan sii wadno taageerada kuwa badbaaday iyo Horumarinta dadaaladda Goobidda iyo Samatabixinta ee Goboladda”. Sida ey sheegeen dadkii ka badbaaday doonidda degtay, Doonidda ayaa Abaarihii 3:00-Subaxnimo maalintii Isniintii ka soo shiraacatay degaanka loo yaqaano Bandar Qaasim ee Gobolka Bari maamulka Puntland,waxaane la socday 115-Qof oo Soomaali ah iyo 145-Qof oo Itoobiyaan ah,waxaane dadkaasi ka mid ahaay 90-Qof oo Haween ah. Arrintaan ayaa ka tarjumaysa kororka ugu dambeeyey ee Muhaajiriinta ka imaanaayo Gobolka Geeska Afrika ee socdaalayo dalka Yeman,kuwaaso ey sabab u tahay xasilooni darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ey barbar socdaan abaaro ba’an iyo xaalado kale oo ey ka mid tahay Cimilo xumi ka jirta dalalka ey ka mid yihiin Itoobiya iyo Soomaaliya. Hayadda Socdaalka Adduunka ayaa abaabushay laba kooxood oo caafimaad oo wareegta si ey gargaar deg deg ah ugu fidiyaan dadka soo badbaaday oo ey ku jiraan Lix Caruur ah. 71-ka mid ah dadka badbaaday, sideed Muhaajiriin oo ka mid ah ayaa u baahday daryeel caafimaad oo dheeraad ah waxaane loo gudbiyey Isbitaalka halka 63 ka badbaaday ee soo hartay ey heleen gargaar deg deg ah iyo daaweyn fudud oo ey ku jiraan dhaawaca ee rugta caafimaadka ee wareeg. Takhaatiirta Cilmi Nafsiga ee Hayadda IOM oo la shaqeeya kooxda caafimaadka wareega ayaa taageero caafimaad oo dhimirka ah waxa ey siiyeen 38-Qof oo soo badbaaday.

ISHA/IOM.

SII AKHRI.

Previous
Previous

GARGAAR LOO DIRAY DEGMADA RUUN-NIRGOOD.

Next
Next

S/GAAS.ZAKIYA OO XILKII LAGA QAADAY.