GARGAAR LOO DIRAY DEGMADA RUUN-NIRGOOD.
(SAWIRKA)-GAADIID SIDA GARGAAR OO LOO DIRAY DEGMADA RUUN-NIRGOOD.
(RUUN-NIRGOOD)-Wararka laga helaayo Degmadda Ruun-nirgood ee dhacda Xuduuda labada Gobol Shabeeladda Dhexe iyo Galgaduud ayaa sheegaayo in Hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ey maanta oo Arbaca ah Gaadiid sida Shixnad Gargaar ah u dirtay Degmada Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeeladda Dhexe. Sida ey sheegtay Hayadda Gaadiidka loo diray Degmada Ruun-nirgood ayaa wada gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee Raashinka waxa eyna Hayaddu ugu talagashay in la gaarsiiyo shacabka degmadaas iyo degaanadda ku xeeran ku nool kuwaaso dhawaan laga xureeyey gacabta kooxda Alshabaab. Gaadiidka Gargaarka sida waxaa Muqdisho ka sagootiyey Gudooiyaha Hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md.Maxamuud Macallin Cabdulle,sida la soo sheegay gadiidka wada gargaarka ayaa ka badan ilaa boqol Baabuur.
ISHA/SNTV.