S/GAAS.ZAKIYA OO XILKII LAGA QAADAY.
(SAWIRKA)-S/GAAS.ZAKIYA XUSEEN.
(MUQDISHO)-Wixii ka dambeeyey Burburkii dalka Soomaaliya sannadkii 1991-kii dalka ayaa galay xaalad adag oo badkeedu ahayd dagaalo sokeeye una dhexeeyey Qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee wada deganaay Bartamaha iyo Koonfurta dalka Soomaaliyeed,burburka dalka gaaray ayaa waxaa dhinac socday burbur soo gaaray dhammaan hayadaha dawaladda ka koobneed sida Ciidamadii Qaranka oo noqday Tusbax go’ay una kal cararay degaanadii ey ka soo jeedeen. Booliska Soomaaliya oo ka mid ah afarta Qeybood uu ka kooban Ciidanka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan tan iyo burburkii dalka ka dhacay,waxaane dib u soo nooleyn ku sameynaayey dawladihii isku xigxigay ee soo qabtay taladda dalka. S/Gaas Zakiya Xuseen waa sarkaaladii ugu horeysay ee qabata xilka taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas.Zakiya ayaa barteed Facebook-ga soo dhigtay Qoraal ey ugu magac dartay Xilku Waa Meerto….Difaac Qaranka Waa Joogto. S/Gasa.Zakiya ayaa xustay iney Booliska Soomaaliyeed ka tirsaneed muddo shan sano iyo toban bilood ah lana soo shaqeysay laba Madaxweyne, Seddex Reysal Wasaare, Seddex Wasiir Amni, Seddex Taliye Boolis, Hirgelinta Qadka 991, Abuuridda koox 50-gabdhood ah kana mid ah ciidanka gaarka ah, Hirgelinta Madasha ila wadaag(Booliska iyo Bulshada) iyo Hirgelinta Hawalgalka 3G(Haweeka iyo Amniga), S/Gaas.Zakiya ayaa qoraalkeeda ku tiri”Rabbigii fursad ii siiyey in intaas oo madax ah aan la soo shaqeeyo,intaas oo mashaariic aan hirgeliyo oo hadda i fasaxay anigoo eed la ii haysan ayaa mahad oo dhan leh”. S/Gaas.Zakiya,ayaa Qoraalkan ku muujisay iney xilkii Taliye ku xigeenka labaad ee Booliska Soomaaliyeed ey baneeysay laguna bedelay Gen.Cabdalla Cabdalla kaaso horay u soo noqday Taliye ku xigeenka Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA,balse hadda ku maqan dibadda dalka sida ey sheegtay S/Gaas.Zakiya,weli si cad oo rasmi ah looma haayo qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Qaranka laguna sheegaayo in S/Gaas.Zakiya xilkii laga qaaday laguna bedelay Gen.Cabdalla Cabdalla.
ISHA/SBM.