UGANDHA: WEERARLAGU QAADAY DUGSI SARE.

(SAWIRKA)-GOOBTII WEERARKA LAGU QAADAY.

(KAMPALA)-Weerar argagixiso oo lagu qaaday dugsi sare oo ku yaalo galbeedka dalka Uganadha habeenkii Jimcaha ayaa waxaa ku geeriyooday 41-qofood ka dib markii la helay meydadka ardayda,sidaas waxaa laga soo xigtay masuliyiinta dalka Ugandha. Selevest Mapoli ahne agaasimaha gobolka ku yaalo xuduudka ee Mpondwe-Lhubiriha ayaa sheegay in meydadka 41-qofood laga soo qaaday dugsiga sare,38-meyd oo ka midane waa arday. Waqti sii horeysay ayuu afhayeenka ciidamadda Ugandha Sareeya Guuto Felix Kulayigye oo la hadlay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu sheegay in tirada ardayda dhimatay ey kor u kacday gaartayne ilaa 37-arday,waxaa kaloo la soo helay ayuu yiri S/G.Felix 12-qofood meydadkooda,waxaane la la’ayahay 20-arday loona malaynayo in la afduubtay amaba ey dhinteen,halka 17-arday lagu gubay hoygii ey deganaayeen.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

UGANDHA: WARAR KA SOO BAXAY DUGSIGII LA WEERARAY.

Next
Next

ALSHABAAB OO TOOGATAY SHAN XUBNOOD.