ALSHABAAB OO TOOGATAY SHAN XUBNOOD.

(SAWIRKA)KOOXDA ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu ka bilawday dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab maamuladda Galmudug iyo Hirshabeele waxaa kooxda soo gaaray jab aad u ba’an waxaane laga qabsaday dhul aad u balaaran ey kooxdu maamulaysay in ka badan toban sano,hadaba kooxda Alshabaab oo uu soo jabkaasi ba’an ayaa hadda waxa ey bilawday kooxda iney toogato rag ayada ka tirsan eyna ku edeysay iney Sirdoon u yihiin Dawladda Federaalka iyo dawlado shisheeye,kooxda ayaa rabta iney jabkeeda ku qariso halaag soo gaaray toogashada rag ayada ka mid ahaay in mudda ah. Kooxda ayaa waxa ey toogasho ku fulisay shan nin oo ka tirsan ayaga laguna soo edeeyey ineey basaasiin u ahaayeen Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dawladdo shisheeye,ragaan lagu fuliyey toogashada ayaa tiradooda lagu sheegay iney dhan tahay ilaa shan qofood,waxaa toogashada lagu fuliyey degaanka Kuunya Barraw ee gobolka Shabeeladda Hoose. Shalay oo Khamiis ah 15/6/23-ka ayey kooxda Alshabaab waxa ey dil toogasha ah ku fulisay shan nin oo ugu edeysan Basaasiin,ragaan ayey da’adoodu u dhexeysaa 28-jir ilaa 52-jir,waxa eyna raga la toogtay kala yihiin:

(1)-Ismaaciil Xasan Maxamed(Faashiyoon)-30-jir ah.

(2)-Jeylaani Cabdiyaw Cali-52-jir ah.

(3)-C/qaadir Fiqi C/qaadir-38-jir ah.

(4)-Shaafici Maxamed Cali-28-jir ah.

(5)-Maxamed Muuse Dhinbil-28-jir ah. Dhinaca kale,kooxda ayaa waxa ey soo bandhigtay lana soo dhigay baraha bulshada mid ka mida shaqsiyaadkii fuliyey weerarkii ismiidaaminta ahaay ee lagu qaaday saldhiga ciidmadda Atmis kana socday dalka Ugandha ee degaanka Buulo-Mareer 26/5/23-ka,kooxda ayaa ninka ismiidaamiyey magaciisa ku sheegtay inuu yahay”Madeey Macallim Xuseen Sh.Axmed Magaciisa afrgashada ayey kooxdu ku sheegtay inuu yahay”Muzamir”,waxa uu ka soo jeedaa Tuulada Dadbooy kana tirsan degmada Baydhabo ee gobolka Bay,kooxda ayaa qabiilkiisa ku sheegtay Eelaay waxa uuna ka sii yahay Naasi wax uuna ka sii yahay Haloofey,kooxda ayaa ninkaan haligay naftiisa da’adiisa ku sheegtay inuu jiro 24-sano mana lahayn xaas iyo caruur.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

UGANDHA: WEERARLAGU QAADAY DUGSI SARE.

Next
Next

YURUB OO DHAQAALE U URURINAYSA…