UGANDHA: WARAR KA SOO BAXAY DUGSIGII LA WEERARAY.
(SAWIRKA)-DUGSIGA LA WEERARAY.
(KAMPALA)-Dalka Ugandha waxa uu ka mid yahay wadamada Qaarada Afrika ey ciidamo nabad ilaalineed ka joogaan wadamo Afrika ah eyna ka jiraan dagaalo u dhexeeyo ciidamada dawladahaas iyo kooxo xag jiro ah,Ugaandha ayaa wajahayso xaalado adag oo dagaal kagana imaanayo kooxahaasi xagjirada ah ey kula dagaakamyso dalal Afrikaan ah,hadaba galbeedka dalka Ugandha ayaa laga soo saaray meydadka gubtay dugsi halkaasi ku yiilay waxaane loo qaaday in lagu sameeyo baaritaanka DNA-da si loo ogaado kuwa ey yihiin dadkaan gubtay ka hor inta aan loo gacangelin eheladii ey dhinteen si ey u duugtaan. Arrintaan ayaa waxa ey ka dhacday dugsi si gaar ah loo leeeyahay kuna yaalo halka loo yaqaano KASESE ee lagu qaaday weerarka gaadmada ah laguna dilay ardayd kala duwan ka hor inta aan la afduubin kuwa kale,kooxdaan gaysatay weerark ayaa la sheegay iney laba habeen ka hor isku diyaarinayeen goob u dhaw halka ey weerareen,sidaas waxaa laga soo xigtay G/Sare.Dick Olum ahne taliyaha ciidamada difaaca ugandha ee aagaas.
ISHA WARKA DAILY MONITOR-UG