TURKIGA OO KA HADLAY WEERARKII SHALAY KA DHAC…

(SAWIRKA)-WEERARKII KA DHACAY TURKIGA.

(ANKARA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa Khamiista maanta ah sheegay in la aqoonsaday mid ka mid ah ragii Argagixisada ahaa ee lagu dilay weerarkii Argagixiso ee Arbacadii shalay ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara. Shaqsiga ka tirsanaay Argagixisada ee la aqoonsaday ayaa lagu magacabaa Cali Orek kaaso magaciisa afgarashada uu yahay”Rojger”,waxa uuna xubin ka yahay Ururka ey dawladda Turkiga u aqoonsan tahay argagixiso ee PKK,Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Cali Yerlikaya ayaa bartiisa X ku qoray”Dadaalka lagu aqoonsanaayo haweeneyda Argagixisada ah ayaa socdo”. “Waxaan mar kale u rajeynayaa in alle u naxariisto shuhadadeynii,kuwa dhaawaca ahne u bogsiiyo si deg deg ah”ayuu yiri Wasiir Cali Yerlikaya,waxa uuna intaas raaciyey”Weerarka Aragagixiso ma jebin karo go’aankeyna,mana cabsin gelin karyo Qarankeyna sharafta leh”. Weerarkii Argagixiso ee shalay lagu qaaday Xarunta Warshadaha Hawada ee Turkiga oo ku taalo magaaladda caasimadda ah ee Ankara ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa shan qofood waxaane ku dhaawacmay 22-kale.

ISHA-AA.

Previous
Previous

DFS OO GUUL KA KEENTAY SHIRKII WASHINGTON DC.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO CIRAAQ OO LOOGU DEEQAY LACAG DHAN…