DFS OO GUUL KA KEENTAY SHIRKII WASHINGTON DC.

(SAWIRKA)-SHIRKII WASHINGTON DC EE IMF IYO BANGIGA ADDUUNKA.

(WASHINGTON)-Isagoo ka qeybgelaayo shirka loo dhan yahay ee sannadlaha ah ee Hayadaha IMF iyo Bangiga Adduunka ee sannadkan 2024-ka ayuu Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi Iman Cige waxa uu kulamo doceedyo miro dhal ah la yeeshay masuuuliyiin ka socotay Wadamadda Yurub ee qeybta ka ah geediga Soomaaliya ee Horumarinta dhaqaalaha,dhammaan kulamadaas ayaa salka ku haayo horumarinta dhaqaalaha guud iyo dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda ee XFS Md.Biixi iyo wafdigiisa uu hogaaminaayo ayaa wada xaajood miro dhal ah Washington kula yeeshay Mr.Nick Dyer oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Boqortooyadda Ingiriiska ee UK. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ey dawladda UK u kordhin lahayd taageerada ey siiso DFS taaso ka qeyb qaadaneyso dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee dib u habeynta hanaanka dhaqaalaha guud ee Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi ayaa kulan muhimad gaar ah lahaa la qaatay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dawladda Norway Haweyda lagu magacaabo Anne Beathiyo masuuliyiintii la socotay. Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyey dawladda Norway kaalintii ey ka qaadatay in Soomaliya ey ka baxdo dalalka loo yaqaano”Qaamaha”(HIPC) taaso Somaaliya ey ka baxday sannadkii 2023-kii. Kulan ka mid kulan doceedyadii uu Wasiir Biixi la yeeshay dawladaha shirka yimid ayaa waxaa ka mid ahaay kulan uu la yeeshay wafdigii reer Sweden gaar ahaan gabar lagu magacaabo Diana Janse oo ah Madax Xafiiska Siyaasadda iyo Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden,wada hadalada labada dhinac ayaa waxaa ugu muhiimsanaay maalgelinta Arrimaha Cimiladda oo sameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunidda Soomaaliyana ey qeyb ka tahay. Wasiir Biixi oo ka warbixinaayo kulan uu la yeeshay wafdiga Dawladda Isbeyn ayaa yiri”Waxaa fursad ii ahayd inaan la kulmo Ms.Paula Conthe oo ah Xoghayaha Guud ee maamulka lacagta iyo Maaliyadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda dalka Isbeyn iyadoo lagu guda jiro shirkii sannadlaha ahaa ee Hayadaha IMF iyo Bangiga Adduuka. Wasiirka ayaa sheegay iney falanqeeyeen geedigii deyn cafinta Soomaaliya iyo dadaalada haatan wadno ee dib u habeynta Maaliyadda oo dawladda Isbeyn door muuqdo ku leheed. Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi ayaa kulan doceed muhiim ah waxa uu la qaatay wafdigii ka socday dalka Denmar ey hogaamineysay Lotte Machen oo ah Xoghayaha Horumarinta Siyaasadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Denmark,wada hadalka labada dhinaca ayaa ku qotomay xiriirka labada dal iyo falanqeynta doorkii Denmark ey ku lahayd hanaankii deyn cafinta Soomaaliya iyo wadamada ku bahoobay Naadiga Paris. Dhammaan kulamadaas ey yeesheen Wafdiga ka socday DFS ee ka qeybgalay Shirkii ka dhacay Washington ayaa ku soo dhammaaday natiijo horumar u ah Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Guud ee dalka Soomaaliya.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

MARAKABKII BAARI LAHAAY SHIDAALKA SOOMAALIYA OO..

Next
Next

TURKIGA OO KA HADLAY WEERARKII SHALAY KA DHAC…