MARAKABKII BAARI LAHAAY SHIDAALKA SOOMAALIYA OO..

(SAWIRKA)-MASULIYIINTA KA QEYBGASHAY SOO DHAWEYNTA MARKABKA TURKIGA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sh.Maxamud oo kaga qeybgalay dekedda Muqdisho Munaasabad lagu soo dhaweynaayey Markabka ORUCE REIS oo baaris ku sameyn doono Shidaalka dalkeyna,Madaxweynaha ayaa xusay rajada ey leedahay Soomaaliya ee ka faa’iideysiga kheyraadkeeda. MW-Xasan Sheekh ayaa sheegay in talaabadaan ey tahay mid taariikhi ah oo horseedi doonta Horumar Dhaqaale iyo shaqo abuur balaaran,isagoo soo bandhigay in dawladda Soomaaliya ey ka go’an tahay iney sii wanaagasan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay,iyadoo ilaalineysa danta guud iyo maslaxadda shacabka. Munaasabadaan ey ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka kala dawladah Soomaaliya iyo Turkiga ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh u mahadceliyey Madaxeynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan iyo shacabka dalkaas oo si walaalnimo ah u garab istaagay dawlad dhiska iyo horumarka Soomaaliya. “Anigoo ku hadlaayo magaca Ummadda Soomaaliyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka,Dawladda Turkiga iyo hogaankeeda Md.Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u soo xusuusiyo caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka,dhaqaalaha iyo awooda Soomaaliya”.

ISHA-VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

MW-GUUDLAAWE OO BOOQDAY CIIDAMADDA…

Next
Next

DFS OO GUUL KA KEENTAY SHIRKII WASHINGTON DC.