MW-GUUDLAAWE OO BOOQDAY CIIDAMADDA…
(SAWIRKA)-MW-GUUDLAAWE IYO GUDOOMIYAHA DEG.BALCAD.
(JAWHAR/KISMAYO)-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeeladda Dhexe ee maamulka H/shabeele ayaa sheegaayo in Madaxweyne Cali Xuseen Guudlaawe uu maanta booqasho ugu tegay Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed,Ciidamadda H/shabeele iyo Xoogaga degaanka ee ku suga degaanka Mukay-dheere ee Gobolka Shabeeladda Dhexe kuwaaso halkaas ka wada hawlgalo ka dhan ah kooxda AL-shabaab. Madaxweyne Guudlaawe ayaa kulan la qaatay saraakiisha horkaceyso hawlgalkan waxa uuna kula dardaarmay ciribtirka cadawga naflacaariga ah ee ku go’odoonsan degaano hoostaga Degmada Balcad iyo xoreynta dhulka Hawdka ah ee hoostaga Degmada Xawaadleey. Ugu dambeyntii Madaxweynaha H/shabeele Md.Guudlaawe ayaa xusay hawlgalka ka dib inuu bilaaban doono dhismaha laamiga ah ee isku xira degmooyinka Balcad iyo Jawhar.
Dhinaca kale,wararka aan ka heleyno Gobolka J/hoose ee maamulka J/Land ayaa iyagana sheegaayo in hawlgadii ugu dambeeyey oo ey sameeyaan Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa J/Land kana sameeyeen aaga Dhasheeg Waamo ey ku dileen Horjooge ka tirsan kooxda Alshabaab. Degaanada Hawlgalka laga fuliyey ayaa waxaa ka mid ah Dharkeen Urur iyo Orgiyaw oo ka tirsan Gobolka J/hoose,horjoogaha la dilay ayaa bulshada degaanka ku ahaay Qodax ku taagan laakin hadda la soo afjaray. Maxamuud Cali Xuseen oo magaciisa afgarashada yahay Qeyliyaw dadka degaankana ey u yaqaaniin Goobe ayaa lagu dlay hawlgala qorsheysan. Qeyliyaw oo xubin muhiim ah u ahaa kooxda Alshabaab ayaa kooxda u qaabilsanaay dhinaca Sahanka,Miinooyinka dhulka,waxa uu ahaay shaqsi baneystay daadinta dhiiga shacabka aan waxba galabsan. Balse Goobe ayaa ugu dambeyntii lagu guuleystay in dhagartiisa la dhaafiyo shacabka Soomaaliyeed.
ISHA/SNA.