SOOMAALIYA IYO CIRAAQ OO LOOGU DEEQAY LACAG DHAN…

(SAWIRKA)-DHUL BEEREED KU YAALO JUBALAND.

(SONGDO/ROME)-Go’aan taariikhi ah,Sanduuqa Cimilada Cagaaran(GCF) waxa uu ansixiyey maalgelinta laba Mashruuc oo isbedel ah oo lagu qiimeeyey lacag dhan $130-Milyan oo doolarka Maraykanka ah si loo taageero la qabsiga iyo sidii kor loogu qaadi lahaay adkeysiga Cimilada Bulshooyinka Beeraleyda ah ee nugul ee dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq. Qorshayaashan ey hormuud ka tahay Hayadda Cunadda iyo Beeraha ee Qaramada Midoobe ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano FAO,Hayadda ayaa awood u siin doonta malaayiin beeraley ah iyo xoolo dhaqata ah iney la qabsadaan saameynta sii kordheysa ee isbedelka Cimilada oo ey ku jiraan Abaaraha,Fatahaadaha iyo Biyo la’aanta. “Hayadda FAO waxay aad ugu hanweyn tahay iney Soomaaliya iyo Ciraaq u doorteen iney ku taageeraan maalgashigooda ugu horeeyo ee isbedelka Cimilada ee wadan kaliyah. Labadaan Mashruuc waxay tusaale u yihiin sida ey Hayadda FAO uga go’an tahay wax ka qabashada Cimilada iyadoo wax ka bedeleysa beerahooda,gaar ahaan iyadoo la dhisaayo nidaamyadda Beeraha adkeysi waara iyo ka gudbidda xaaladaha Jilicsan”ayuu yiri Kaveh Zahed oo ah Agaasimaha Xafiiska Hayadda FAO ee isbedelka Cimilada,kala duwanaanshaha iyo degaanka isagoo soo dhaweeyey warkaas. “Anagoo ku xoojineyna bulshooyinka Nugul aqoonta,qalabka iyo teknoolojiyada loo baahan yahay si ey ula qabsadaan,waxaan ku maalgelineynaa xalalka beeraleyda ee keenayo sugnaanta cuntada,taageerada hab nololeedyada iyo caawinida wadamada iney ka hortagaan isbedelka Cimilada”.

ISHA-FAO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

TURKIGA OO KA HADLAY WEERARKII SHALAY KA DHAC…

Next
Next

SOOMAALIYA IYO KENYA OO WAR MURTIYEED SOO SAARAY.