TURKIGA IYO SUURIYA OO WADA HADLAY.

WASIIRKA DIFAACA TURKIGA.

(ISTANBUL)-Saraakiil sare oo ciidamadda Mileteriga iyo sirdoonka ah kana kala socday dalalka Turkiga iyo Suuriya ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u kulmay muddo ka badan toban sano,arrintaan ayaa soo martay heerar kala duwan sidii caadi loogu soo celin lahaay xiriirka u dhexeeyo dalalka Turkiga iyo Suuriya ka dib markii dalka Turkiga uu taageeray dagaalyahano qeyb ka ahaay intuu socday dagaalka sokeeyo ee dalka Suuriya. Shirka u dhexeyey labada dal Turkiga iyo Suuriya ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda Moosko ee ah caasimadda dalka Ruushka,waxaane shirka martigelisay Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Ruushka uuna Wasiir ka yahay Sergei Shoigu,dalka Turkiga shirka waxaa ku metelaayey Wasiirka Gaashaandhiga Hulusi Akar iyo Taliyaha sirdoonka(MIT) Hakan Fidan halka dalka Suuriya ey ku metelaayeen shirka Moosko Wasiirka Gaashaandhiga Cali Maxamuud Cabaas iyo Taliyaha sirdoonka Suuriya Cali Mamluuk.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

QODOBO KA SOO BAXAY SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA…

Next
Next

CARUUR EY LA SOCON HOOYADOOD OO LOO…