CARUUR EY LA SOCON HOOYADOOD OO LOO…

TAHRIIBKA DALKA INGIRIISKA.

(LONDON)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Ingiriiska ayaa cadaadis waxa uu kaga yimid sideey u mideyn lahayd qoys u dhashay dalka Eritereya oo megengalyo doon ah ka dib markii kuwa dadka tahriibiyo ey si qasab ah hooyadood uga soo wadeen seddex caruur ah,caruurta la soo tahriibiyey ayaa kan ugu yar waxa uu jiraa shan sano,waxaane caruurta la soo marsiyey kanaalka u dhexeeyo dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska ayagoo saaran doon yar. Hooyada dhashay caruurta loo soo tahriibiyey dalka Ingiriiska waa 31-jir waxa eyna ku nooshahay waqooyiga dalka Faransiiska,waxa eyna hooyadu rajaynaysaa ineey gaarto dalka Ingiriiska si ey ula midowdo caruurteeda,caruurta la tahriibiyey ayaa kala ah wiil 14-jir ah iyo laba gabdhood ey da’adoodu kala tahay sagaal sano jir iyo shan jir.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

TURKIGA IYO SUURIYA OO WADA HADLAY.

Next
Next

UZBEKISTA: CAUUR U DHIMATAY SHAROOBO…