QODOBO KA SOO BAXAY SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA…
GOLAHA WADATASHIGA QARAN.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudoomiyey shirka afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ) shirkaaso lagu qabtay Muqdisho inta u dhexeysay 25 ilaa 28-12-22-ka. Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Reysal Wasaaraha DFS Mudane Xasma Cabdi Barre iyo Reysal Wasaare ku xigeenka DFS Mudane Saalax Axmed Jaamac,waxaa kalo shirka ka qeybgalay dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Yusuf Madaale. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga dooday (1)-Asteynta awoodaha ee heerarka dawlada (2)-Hanaanka Federaaleynta Garsoorka,amniga iyo la dagaalanka kooxda Alshabaab,maamulka Puntland ayaa ka biya diiday laba qodob oo ka mida shanta qodob ee warmurtiyedka lagu saaray,qodobada ey Puntland diiday ayaa kala ah in Garsoorka la Fedreraaleyo iyo Asteynta awoodaha ee heerarka dawladda.
ISHA WARKA ALLBANAADIR.